Thursday 28 April 2011

Odayaasha dhaqanka beelaha Wacbuudhan Abgaal oo si weyn u taageeray maamulka Xamar iyo Xamardaye State

Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayna ka qeyb galeen odayaasha dhaqanka beelaha Wacbuudhan Abgaal Cusmaan, aqoonyahano, dhallinyaro, Haween iyo marti sharaf ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankaasi ayaa waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka beelaha Wacbuudhan waxay halkaasi ka jeediyeen khudbado kala duwan oo ay ku taageerayaan maamulka Xamar iyo Xamar Daye ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xubnaha ka qeyb galay kulanka waxaa ka mid ahaa Garaad Xasan Siicow Maalin oo waxgaradka beelaha Wacbuudhan ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad uu uga hadlay taageerada beesha ee ku saabsan maamulka cusub ee Xamar iyo Xamardaye State, wuxuuna sheegay in tallaabadani ay tahay mid soo daahday oo la sugayay in beesha Wacbuudhan ay ka tashato aayaheeda.

"Boor Wacbuudhan ku qoran yahay maanta kahor aniga ma arag, waana taageereynaa maamulka cusub ee Xamar iyo Xamardaye State" ayuu yiri Garaad Xasan Siicow Maalin oo sheegay inay tahay wax la mahadiyo haddiiba ay maanta beelaha Wacbuudhan garteen inay maamul goboleed sameystaan, "Habar dhalmo dhameysay xitaa haddii ay Wacbuudhan madax ka dhigtaan aniga waa taageeraa".

Sidoo kale Nabadoon Shariif Xuseen Jilacow oo halkaasi khudbad meelo badan taabaneysay ka jeediyay halkaasi, isagoona sheegay inay jiraan dad aan meelna heysan inay dowladda xilal ka hayaan, hase yeeshee waxa uu sheegay in haddii ay yihiin odayaasha beesha Wacnuudhan Abgaal in lagu taageero maamulka cusub ee Xamar iyo Xamardaye State.


Madaxweynaha Maamul Goboleedka Xamar iyo Xamar daye State Jabriil Xaaji Maxamuud

"Xamar iyo Xamardaye State waa nala leeyahay, waana ku soo dhoweyneynaa beelaha kale ee wax nala wadaaga" ayuu yiri Nabadoon Xuseen Jilacow oo sheegay in caasimada Muqdisho ay tahay mid Soomaali u dhaxeysa oo Qaranka leeyahay.

Malaaq Cali Malaaq Showri oo ah duubka Xamar iyo Xamardaye State oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in kulankaan taageerada ah aan lagu carqaladeynin Dowladda KMG ah isla markaana ay taageersan yihiin.

Waxa uu sheegay Malaaq Cali Malaaq Showri in beelaha kale ee la degan degaanaada beesha Wacbuudhan Abgaal inay qeyb ka yihiin dhismaha iyo maamulka Xamar iyo Xamar daye State, wuxuuna ka codsaday Madaxweyne Shariif inuu ka soo qeyb galo kulamada maamulka cusub ee dambe, waayo buu yiri Malaaqa wuxuu ka mid yahay dadka degaanka, ka sokow Madaxweynenimada dalka Soomaaliya.

"Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska waxaan ka codsaneynaa inay nagu taageeraan maamul goboleedka cusub ee Xamar iyo Xamardaye State" ayuu yiri Malaaqa Xamar iyo Xamardaye State oo sheegay in dowladahaasi ay si weyn u yaqaanaan arrimaha dalka Soomaaliya, sidaasi darteedna wuxuu ku booriyay madaxda wadamadaasi inay maamulkaan cusub la garab istaagaan taageero hiil iyo hooba leh.

Nabadoon Caddow Cali Calasow (Caddow Bidisey) oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka beesha Wacbuudhan ee ka qeyb galay kulanka lagu taageerayo maamulka cusub ee Xamar iyo Xamardaye State ayaa ka codsaday beelaha kale ee Soomaaliyeed inay ku taageeraan maamulka cusub ee Xamar iyo Xamardaye State, isagoo si gaar ah uga hadlay Madaxweynaha loo doortay maamulkaan oo lagu magacaabo Jabriil Xaaji Maxamuud oo uu sheegay inuu yahay nin ay kala weyn yihiin da'diisa iyo garaadkiisa.

"Ninka loo doortay Madaxweynaha maamul goboleedka Xamar iyo Xamardaye State waa nin ay kala weyn yihiin garaadkiisa iyo da'diisa" ayuu yiri Nabadoon Caddow Bidixey oo sheegay inuu ka soo jeedo qoys nabadoon oo aabihii uu ahaa nin aad iyo aad uga soo shaqeeyay arrimaha beesha dhexdeeda isla markaana ka dhex muuqday waxgaradka iyo odayaasha beesha.

Dhinaca kale waxaa halkaasi khudbado kale ka jeediyay Waxgarad kale, aqoonyahano, haween iyo dhallinyaro ka soo jeeda beesha Wacbuudhan Abgaal, kuwaasi oo si cad u sheegay inay taageeraan isla markaana soo dhoweynayaan maamul goboleedka cusub ee Xamar iyo Xamardaye State oo ay sheegeen inuu kor u qaadayo horumarka degaanada beesha Wacbuudhan.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...