Monday 30 May 2011

Indha Cadde oo dafiray guulihii ay gaareen Ciidamada Dowladda, kuna tilmaamay mid Ciidamadiisa soo hoyeen

Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo dhowaan darajada Jeneraalnimo uu siiyay Madaxweynaha, hase ahaatee taas abaal uga dhigay inuu ka hor yimaado, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha iyo Xukuumada in aysan wax qabad muuqda la imaan, isagoo dhan kale ku booteeyay in wixii guulo ahaa oo maalmahan la gaarayay ay soo hoyeen Ciidamada Kooxdiisa Xisbul Islaam. 

Wareysi uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu ku dafiray Guushii Ciidamada Dowladda ka soo hoyeen dagaaladii u dambeeyay iyo goobihii ay la wareegeen, isagoo cadeeyay in wax horumar aanay haba yaraatee aysan gaarin Dowladdu.

Inkastoo hadalkan ay layaab laheyd, hadana iska dhigayay nin aanay Dowladda ka tirsaneyn, ayaa waxaa uu geedka uu ku kor harsanayo ee Dowladnimada ka soo qaaday wax aanay jirin, isla markaana is ilowsiiyay qaabkii uu uga soo baxsaday Shabaab xilligii uu go'doonka ku jiray, ee habeenimo ku soo dhex guureeyay deegaanada Waqooyi ee xilligaas Dowladdu gacanta ku heysay, balse taas maankiisa ka bixiyay.

"Dowladda wax horumar ay gaartay ma jirto, waxaa horumarka sameeyay Ciidamadeena Xisbul Islaam, kuwa Ahlusuna iyo Ciidamada AMISOM, meelaha la qabtay ee Warshada Caanaha, Wasaarada Gaashaandhiga, African Village iyo agagaarka Masaajidka Sheekh Cali Suufi, ciidankeena ayaa jooga"ayuu yiri Indha Cadde.

Ma ahan wax cusub is bed-bedelka Indha Cadde iyo hadalada labo canleynta ah ee uu mar walba la dhex joogo Warbaahinta, isagoo dhowaan sheegay in dagaaladii ka dhacay degmada Hodan ahaa guulo ay gaartay Dowladda KMG, hase ahaatee maanta guushaas u rogay mid ay gaartay Koox sida Jabhad u howl geli jirtay, balse markii la soo ceyrsaday la qarameeyay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...