Sunday 29 May 2011

Qiyaamo-Qaran (Laba-Shariif oo iibsaday Garoonkii iyo Dekeda Muqdisho (Shirkada SKA ee Israel laga leeyahay oo Garoonkii Muqdisho iyo Dekadii Iibsatay

) PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Sunday, 29 May 2011 22:38

Madaxda oogu sareysa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa muddo 15 sanno ah ka kireeyay Garoonka Muqdisho   ee (Aadan-Cade International) iyo Dekedda inay maamusho Shirkad  Dalka Israel laga leeyahay oo  lagu magacaabo   SKA Air Logistics

Arintan heshiiska ah ayaan la soo marsiin Baarlamaanka,waxaana ka soo shaqeeyay nin ay xigto hoose yihiiihn Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Shariif Aadan

Heshiiiskaan ay saxixeen ,Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif-Aadan , ayaa la xusay in  in qodobada ay ku heshiiyeen ay ka mid tahay inay garoonka Muqdisho inay horumariso Shirkadan Dalka Israel laga leeyahay , isla markaana ay waxay doonaan ka soo dejistaan,taasoo loo fasiranayo,xitaa Daroogo iyo xashiish inay ka dhoofin-karaan  Garoonka.

Warsidaha Shacabkamedia oo baaritaan iyo dabagal ku-sameeyay Sihrkadan SKA-Air Logistiics ayaa waxaan ku soo ogaanay in haba-yaraatee aysan diiwaan-gashaneyn Shirkadan,waxaana  Shacabka-Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka oogu baaqaynaaa inay ka dhiii-dhiiyeen heshiiskan Dawladda Israel oo ka mid ah Cadowga Islaamka ee sida sharci-darada ah looga kireeyay Garoonka Muqdisho

Heshiiskaan lagu iibsaday  Garoonka Muqdisho iyo Dekedda ayaa lagu tilmaami-karaa Qiyaamo-Qaran,maadaama aan la soo hor-dhigin Baarlamaanka Soomaaliya,isla-markaana aan afti laga-qaadin Dadweynaha Soomaaliyeed in la iibinayo Dekedda iyo Garoonka Muqdisho

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...