Friday 27 May 2011

Warbixin: Tirokoobkii ugu Dambeeyey ee Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac Toddobaadkan ee Wadanka Soomaaliya


Muqdisho (RBC Radio) Marka la eego wadanka Soomaaliya todobaadkaan waxaa ku geeriyooday inta la ogyahay 43 ruux halka tirade dadka dhaawacyadu soo gaareen toddobaadkan ay dhan yihiin 89 ruux. Arrintaan ayaa waxaa lagu ogaaday tirokoobka todobaadalaha ee RBC Radio ka sameeyo todobaad walba dhamaanba gobolada iyo degmooyinka wadanka Soomaaliya.
Tirakoobka khasaaraha ayaa usbuucii dhamaaday sidan ahaa:-
Maalinimadii Jimcaha ee 20 ay: Duqayn xoogan oo lagu garaacay degmada Wadajir ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa iyo 3 ruux halka ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 10 ruux oo kale.
Maalinimadii Sabtiga ee 21 May: Qarax xoogan oo ka dhacay Isgoyska Ex Control ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa iyo 2 ruux
Maalinimadii Axada ee 22 May: dagaalo xoogan ayaa waxa ay ka dhaceen magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday dagaaladaasi ilaa iyo 10 ruux halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 30 ruux oo kale.
Maalinimadii Isniinta 23 May: dagaalo xoogan ayaa waxa ay ka dhaceen magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday dagaaladaasi ilaa iyo 13 ruux halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 40 ruux oo kale
Isla  Isniinta 23 May: dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay labi maliishiyo beeleed ayaa waxa ay ka dhaceen gobalka Mudug waxaa ku geeriyooday dagaaladaasi ilaa iyo 2 ruux halka ay ku dhaawacmeen 2 ruux oo kale
Maalinimadii Arbacada ee 25 May: Duwayn lagu garaacay degmada Dherkenlay ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa iyo 5 ruux
Isla Maalinimadii Arbacada ee 25 May: Madfac ayaa waxa uu ku dhacay gaari xamuul ah oo taagnaa gudaha suuqa Bakaaraha waxaana halkaasi ku geeriyooday ilaa iyo 1 ruux halka ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 2 ruux oo kale waxaana halkaasi ku gubtay gaarigaasi.
Isla Maalinimadii Arbacada ee 25 May: Duqayn culus aya waxaa lagu garaacay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho waxaana duqayntaasi ku geeriyooday ialaa iyo 5 ruux.
Xusuusin: Tirooyinkan waxay isugu jiraan dad rayid ah iyo dhinacyada dagaalamaya ee gudaha Soomaaliya. Waxaana suuragal ah inay jiraan tirooyin kale oo aan la sheegin maadaama RBC Radio uu diiwaangeliyo xogta naga soo gaarta isbitaalada, deegaanka iyo masuuliyiinta dhinacyada intaba.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...