Saturday 30 July 2011

G/sare Mungaab "Kuwa la leeyahay waa Amiirada hala soo qabto aan meelaha ku tooganee"

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Ciidamada qalabka Sida G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) ayaa ku shaaca ka qaaday in la toogan doono Saraakiisha Al-Shabaab, isagoo faray Ciidamada Dowladda inay u soo gacan geliyaan Saraakiisha ay dagaalada ku qabtaan Maxkamada Ciidamada qalabka sida.

Isagoo ka hadlayay Xafiis Maxkamada Ciidamada qalabka sida maanta ka furatay gudaha Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan meel ku dhow dhismayaasha Shirkadaha ganacsiga ayuu sheegay in Maxkamada ay waajibaadkeeda gudan doonto.

"Maxkamada Ciidamada qalabka sida waa idin daba socotaa, Askarigii wax dhacaya ama bililaqo ku jiro, ama askarigii amar diido sameeya waa la tooganayaa"ayuu yiri G/sare Mungaab oo intaa ku daray in aan la arki karin Askari si amar la'aan uga soo baxa aagaga hore ee dagaalka.

Sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in sharciga uu qabo in Sarkaal ama Horjooge ka tirsan Shabaab hadii dagaalka lagu qabto la toogan doono.

"Dhamaantood waa Mufsidiin, kuwa Amiirada ay leeyihiin ee horjooyaasha, hadii la soo qabto waan tooganeynaa, waana sharci"ayuu yiri G/sare Mungaab oo magac dhabay in Ciidamada ay soo qabtaan Saraakiisha Al-Shabaab sida Abuu Mansuur iyo Cali Dheere sida uu hadalka u dhigay.


Gudoomiyaha Maxkamada qalabka sida ayaa sheegay in Garsoorayaal iyo xeer ilaaliyeyaal ay geeyeen aagaga hore dagaalka, si loola socdo xaaladaha ciidamada, isagoo mar kale uga digay in Ciidamada ay sameyaan falal dhac ama boob.

Si kastaba ha ahaatee Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa dar dar gelin xoog leh la soo baxday tan iyo markii ay bilowday inay xukuno dil iyo kuwa kale ku fuliso Ciidamada Dowladda, iyadoo wax badan ay iska bedeleen nidaam daradii Ciidamada dhacii iyo boobkii ku dhaqaaqi jireen.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...