Saturday 30 July 2011

Wararkii ugu dambeeyay dagaalada Muqdisho ee maalinkii 3aad galay+Sawirro

Dagaalo culus ayaa wali ka soconaya Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, kaasoo galay maalinkii 3aad, iyadoo dagaalada ay xoogooda ka soconayaan Xaadaha degmooyinka Wardhiigley iyo Yaaqshiid oo rasaas iyo madaafiic culus ay ka dhaceyso.

Inkastoo dagaalka aanu u xooganeyn sidaa saaka ayaa hadana wixii ka dambeeyay 12-kii duhurnimo uu ahaa mid goos goos ah, oo dhinacyada ay isku weydaarsanayeen aagaga rasaas, iyadoo Shabaabka ay si ba'an ugu jilbo laabteen dagaalka.

Dagaalada oo maanta culeyskooda ahaa mid aad ugu xooganaa dhanka Isgoyska Cali Kamiin oo hareerihiisa ay ku dagaalamayeen Labada dhinac ayaa waxaa sii kululeeyay gurmadyo labada dhinac ay kala heleen.

Saraakiisha Dowladda ayaa dagaalka ka hagayay Isbitaalka Xayaat oo talis ay ka dhigteen, isla markaana Ciidamo fara badan ay raaca hore u jiraan, sida uu inoo sheegay mid ka mid ah Saraakiisha Dowladda oo aaggaas ku sugan.

Guutada cusub ee 5aad ayaa dagaalka maalintii labaad ku jira, iyadoo Guutooyinkii maalin hore la geliyay dagaalka la sheegay in la soo saaray, sidoo kale Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in Ciidamada ay u dagaal gelinayaan qaabab istiraatiiji ah oo leen walba ay ciidamo Horin ah ku jiraan.

Xarakada Al-Shabaab ayaa saf ballaaran oo difaac ka galay dhanka waqooyi ee Wadada Sodonka, oo ay difaacanayaan xilligan Garoonka Ciyaaraha Muqdisho, oo gadaashood jira, waxay ka dagaalamayaan Sarihii xamar Jadiid oo ay qoryo saarteen iyo xaruntii Xisbiga.

Dowladda KMG ayaa qorshaheeda ah inay qabsato Garoonka Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho iyo Xarunta Xisbiga, waxaase hubanti ah in iska caabin aad uga duwan tii maalin ka hor si lama filaanka ugu qabsatay fariisimaha cusub ay hada kala kulmayaan.

Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda oo dagaalka Yaaqshiid iyo Wardhiigley ku jira ayaa meelaha qaar ka qodanayay difaacyo iyo jawaano ay dhiganayeen, si ay u sugaan meelaha ay qabsadaan.

Taangiyo cusub ee ay leeyihiin AMISOM oo lagu arkay Magaalada, kuwaasoo xalane ka soo baxay ayaa galay dagaalka, inkastoo Shabaabka muujiyeen sida ay ugu babac dhigeen, kadib markii shalay Taangi laga gubay.

Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaa ku mintidaya inay gaaraan Wadada Sodonka, oo shabaabka ay si adag ugu jilbo dhigteen, waxaana la arkayay taangiyada AMISOM oo u sii jiheystay Isgoysyada Baar Ubax, Carwo-Idko iyo Cali Kamiin.

Suuqa Bakaaraha oo waabarigii hore ee saaka dagaal goos goos ka jiray ayaa xaaladiisa ay tahay mid degan, iyadoo Ciidamada Dowladda ay ku sugan yihiin Dhismihii Shirkada Xawaalada Dahabshiil oo ay saf dheer kaga jireen.

Inkastoo dagaalka yahay mid fari ka qodneyn, ayaa hadana qasaaraha ugu badan ee gaaraya labada dhinac uu yahay mid aan wali kala cadeyn.


Daawo Sawirada cusub ee dagaalada Yaaqshiid iyo Wardhiigley










No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...