Friday 29 July 2011

Wasiir iyo Xildhibaan ka tirsan Dawlada Kenya oo Shaaca laga Qaaday inay Lacago Siiyeen Saraakiisha Al-Shabaab (Warbixin)


Share
Nairobi (RBC) Sida lagu cadeeyey warbixin ay soo saareen guddiga la socodka cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya waxaa shaaca laga qaaday wasiir iyo xildhibaan Kenyti ah inay lacago siiyeen saraakiil ka tirsan ururka Al- Shabaab ee dagaalka kula jira DKMG iyo ciidanka Amisom.
Warbixinta ayaa sheegtay in wasiirka uu bixiyey lacag gaareysa 200,000 oo Shillinka Kenya ah halka ninka xildhibaanka ahna uu siiyeey Al-Shabaan lacago gaaraysa 500,000 Shillinka Kenya ah, lacagtaasi oo sida la sheegay markii hore loogu talagalay in masjid lagu dhiso.
Saraakiisha Shabaab oo lacagta qaatay
Warbixinta baaritaanka ee sameeyeen xubnaha guddiga UN-ka ayaa ogaatay in lacagta markii hore lagu soo qaaday in masjid looga dhiso meel ka mid ah deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab hase yeeshee markii dambe waxay lacagtaasi gacanta u gashay mid ka mid ah sarakiisha sare ee Al-Shabaab oo aan magaciisa la sheegin.
Xilliga lacagtaasi la soo diray ayaa ku beegneyd 17-kii Feraayo 2011 sida lagu xusay warbixinta guddiga UN-ka ee baaritaanka sameeyey, waxaana hantidaasi ay ku dhacday koondo ama xisaab uu furneyd sarkaalkaasi ka tirsan ururka Al-Shabaab iyadoo lacagta loo weeciyey in lagu socodsiiyo dagaalada ay wadaan Shabaabka.
Saaxiibada Al-Shabaab
Sida lagu ogaaday wareysiyo lala yeeshay dad kala duwan ninka xildhibaanka reer Kenya ah ayaa saaxiibo dhow ku leh Al-Shabaab dhexdeeda, wuxuuna xildhibaanka si weyn uga shaqeyn jirey sidii Al-Shabaab loo soo gaarsiin lahaa dhaqaale fara badan, walow la sheegay inuusan ogeyn halka dhaqaalahasi uu ku baxo.
Dhowr Bangi oo ah kuwa ganacsiga oo ka furan gudaha Kenya ayaa sidoo kale la sheegay inay lacagaha u kala gudbiyaan Al-Shabaab iyo dadka soo dira ooku sugan gudaha Kenya.
Dhalinyaro laga soo qoray Kenya
Warbixintu waxaa sidoo kale cadeysay inuu sare u sii kacayo heerka qorshada dhalinyarada yar yar ee reer Kenya ah kuwaasoo badankood ah dadka aan Soomaalida ahayn.
“Dhalinyarada illaa hadda gudaha Kenya laga soo qortay ee Shababka ku soo biirey waxay gaarayaaan 200 illaa 500 wiil” ayaa lagu sheegay warbixinta waxayna intaa ku dartay in Shabaabka aysan inta badan rabin dadka Soomaalida asalkoodu yahay balse ay ka jecel yihiin dadka u dhashay qowmiyadaha kale.
Wixii ka dambeeyey 2009 ayaa warbixintu sheegtay in xubnaha Al-Shabaab dadka u soo qora oo uu hormuud ka yahay nin magaciisa lagu sheegay Axmed Imaan ay bilaabeen inay u weecsadaan dadka aan Soomaalida u dhalan sababo la xiriira dhowr arimood.
- Dhalinyarada aan Muslimka ahayn oo aan wax badan ka garaneyn diinta Islaamka ayna fududahay in si dhakhso leh wax loogu sheego.
- Iyadoo dadka aan Soomaalida ahayn deg deg looga shakineyn, gaar ahaan hay’adaha amniga oo badanaa dabagala Soomaalida oo kaliya
-Iyo dhalinyarada ama dadka ajaaniibta kale (qowmiyadaha kale) oo ay u fududahay inay safaro galaan oo wadamo kala duwan ay tagaan.
Dhalinyaradan loo soo askareeyo Al-Shabaab ayaa la sheegay in marka hore laga soo ururiyo Kenya ka dibna loo soo diro Soomaaliya si ay tababro u soo qaataan, iyadoo qaarkoodna ka dagaalama Soomaaliya halka qaar kalana loo diro qaraxyo ay ka geystaan gudaha Kenya ama meelo kale.
Eritrea iyo taageeradeeda Al-Shabaab
Warbixinta ayaa dhanka kale shaaca ka qaaday in dawlada Eritrea ay lacag iyo hub u soo dirtay ururka Al-Shabaab taasoo si toos ah u soo gaartay saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab. Waxayna lacagtasi badankeed dalka soo gaartay intii u dhexeysay 2009 illaa 2008, sida lagu xusay warbixinta.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...