Thursday 28 July 2011

Yaa Jaajuusay Sheekh Omar Abdi Mohamed Oo Xabsiga Aadaya Bisha Soo Socota? Iska Jir Jawaasiista Masjidka Abubakar Joogta Warbixin Xaasaasiya Iyo Beelo Kacdoon Bilaabay


Filed under: QORAALADA MUHIIMKAA,Warar |

MINNEAPOLIS:-
Waxaa noo suurta gashay in aan xiriir la samayno Cumar Abdi Maxamed oo loo yaqaano Maxamed Cumar Galayr, walaalku waa Macalin Dugsi, wuxuu kamid ahaa Ardayda Masjidkii Shaafici la oran jiray ee Xaafadda Cedar ku yaalay, kuna barbaartay Qurbaha. Wuxuu kamid yahay Dhalinyarada Masaajidkeena Abubakar Sadiiq.
Maxamed wuxuu kamid ahaa dhalinyaradii Hassan Mohamed Jama Dhooye 5Start uu ku shiriyey Convention Centerka, Dhooye waxaa hadaladiisa laga xasuustaa, Arinta Soomaliya in aad ka aamusto ma ahan guul ee waxaa guul ah waxa adiga kuu muuqda in aad ku muujiso ficicl (Action) Halkaan Ka Daawo Video Khutbaddii Dhooye dhalinayrada u jeediyey 2007.
Sidoo kale waxaa istaagga ku dhagaysanayey Heestii Professor Abdi Samatar Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar, waxaa shacabku la yaaban yihiin hogaamiyaashii kacdoonkii Ciimada shisheeye looga soo horjeeday horboodayey, inta la iska daayo oo No Fligh list laga saaro, in la xirxiro ardaydii Masaajidka joogtay!.
Maxamed Cumar wuxuu kamid ahaa Ardaydii xalaqaadka Sheekh C/raxmaan u qaban jiray Salaadda cishe kadib, asaga oo is oohinaya uu ku guubaan jiray Itoobiya in lala diriro, wuxuu xalaqaadka ku casumi jiray, Rag Culima sheegta oo ka imaan jiray Yurubta sida Sheekh Axmed Daahir Aweys oo asna dayarta kadhex guubaan jiray xalaqaadka Salaadda Cishe kadib la qaban jiray, si loola dagaalo Itoobiya.
Haddii aan hadalka idin soo koobna Qareenka Maxamed Cumar wuxuu caddeeyey in Maxamed la jaajuusay oo Macalimiintiisa iyo Masuuliyiintii Masaajidku ay wax ka ogaayeen!, waxaa Somalimidnimo.com codsatay in la siiyo waraaqaha Markhaati furkaa ee ay saxiixeen Farhan Hurre maamulihii horre ee Masjidka Abuubakr loona yaqaano Cumar C/raxiim.
Waxaa Somalimidnimo.com loo sheegay in kiisaskaas hadda aysan xirmin oo aan la shaacin karin, balse Maalin la fasaxayo, waxaa balan ah in Jawaasiis badan aan daabacno macluumaadka ay gudbiyeen, Cumar Maxkamadda ma joogin wuxuuna u cararay Soomaliya, wuxuu hadda ku sugan yahay Magaalada Hargaysa, Saaxiibadiis qaar kamida wuxuu u sheegay in uu ka baqayo Ciyaalka Xaafadda Cedar ee Burcadda ah in ay toogtaan.
Maalintii Sheekh C/raxmaan laga saaro No fligh list waxaa xabsiga loo taxaabay 12 Qof oo kala jooga Gobalada Maraykanka iyo Yurubta, waxaa kamid ahaa Sharif oo ku xiran wadanka Holland waa mu’adinkii Masaajidka Abubakar, wuxuu iska dhiibay wadanka Yurub, balse xiriir uu la soo sameeyey Horjoogayaasha Abubakar ayey ka qorteen Macluumaadkiisa saacada kadibna waxaa loo taxaabay xabsiga, sida ay noo xaqiijiyeen qaraabada Shariifka.
Horjoogayaashu waxay maalinkas Suuqyada wareejinayaan Magacyo qaarkamida Macalimiinta Dugsiyada Minnesota, waxay ku shaabadaynayaa Argagaxiso, hadda waxaa kacay oo qaylo ku dhuftay Beelaha Majeerteen Reer Bicid yahan, Mareexaan, Abgaal iyo Leel Kase oo dhammaan wiilashooda Magacyadooda la gudbiyey Suuqyadana lala wareegayo in ay yihiin Dambiilayaal.
 Qabiiladu waa kagadoodeen ficiladaas cadowtinimada ah, waxayna sheegeen in ay ka dagaalamayaan warxuma tashiilka, isla markaasna ay ugu baaqayaan shacabka Soomaliyeed ee ku nool Gobalka Minnesota gaar ahaan beelahooda in aysan wax lacag ah ku bixin Masaajidka Abubakar inta laga badalayo Maamulkiisa.
Sidoo kale Dhalinyarada Qabiiladoodu kaceen ayaa Dhismayaasha ay ku baraan Dayarta Soomaliyeed Quraanka kariimkaa ayaa Mulkiilayaashii lahaa waxaa Horjoogayaasha Masjidka Abubakar  gaarsiiyeen in dhalinyarada Masuulka ka ah dhismayaashaas ay Argagaxiso yihiin!, waana arinta kacdoonka Qabiilada sii hurisay.
Waxaa ficiladaas foosha xun gaystay ee Dugsiyada iyo Shakhsiyaadka lagu weeraray Xasan Dhooye iyo C/rashiid Barre Muuse oo ah Qasnajiga ay lacagta ku aruursadaan Horjoogayaasha Masjidka Abubakar Assadique, dhawaan ayaan shaacinaynaa Masawirada C/rashiid Barre iyo Taariikh Noolaleedkiisa.
Sheekh Maxamed Cumar inta uusan Xabsiga Aadan Insha Allah waxaan idin kaga diyaarin doonaa Barnaamij aad u qiima badan oo aad kadhex arki doomtaan Macluumaad sida Boolis Horjoogayaashu ugu wacayaan Shakhsiyaad iyo Macluumaad kale oo lagu qaaday I Phone ka. Insha Allah waxaan qaadaa dhigi doonaa Barnaamijyo aad u qiima badan, oo ku baxaya Luuqadda English ka iyo Afsoomali.
FG: Waxaan kaloo aan shaacin doonaa Shakhsiyaad ku dulnool Masaajidka Muuqaaladooda iyo Magacyadooda, Dhalinyarada Masjidka Abubakar waxaa ka go’an in ay Jawaab ka bixiyaan Hanjabaadyada loo gaysanayo Dugsiyada iyo Macalimiinta, waxay kaloo ku talinayaan Dhalinyaradu in loo hogaansamo Bayaamadii ay soo saareen horraantiin Sanadkaan.
Waxaa Dhalinayrada Masjidka Abubakar ay diyaar u yihiin in ay adeegsadaan Saxaafadda maxaligaa, isla markaana ay la hadlaan Warbaahinta si ay iskaga fogeeyaan Been abuurkasta oo ay samaynayaa Macalimiinteena shaatiga badashay ee raba in ay dambigooda dusha naga saaraan.
Abubakar Youth
Somalimidnimo.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...