Sunday 28 August 2011

Qarax qasaare nafeed sababay oo kolonyo ka tirsan gaadiidka ciidamada AMISOM lagula eegtay isgoyska Sanca ee degmada Yaaqshiid

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday 3 kalena wey ku dhaawacmeen ka dib markii qarax xoogan barqanimadii maanta lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM xili ay marayeen nawaaxiga isgoyska sanca oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Qaraxan oo ahaa miino wadada dhinaceeda lagu aasay oo meel fog laga hagayey ayaa la sheegay in lala waayey gaadiidkii ay wateen ciidamada AMISOM, iyadoo aysan jirin waxyeelo soo gaartay askartii la socotay, waxaana qasaare nafeed uu ka soo gaaray dad rayid ah oo marayey nawaaxiga goobta uu qaraxaasi ka dhacay sida dad goob joogayaal ah ay u xaqiijiyeen xafiiska boggan ee magaalada Xamar
Marka laga yimaado Qofka rayidka ah ee ku dhintay qaraxaasi ayaa 3-da dhaawacmay oo labo ka mid ah xaaladooda ay halis tahay waxaa loola cararay isbitaalada magaalada Muqdisho halkaasoo iminka lagu daweynayo, iyadoo qaraxa ka dibna aan la sheegin wax rasaas ah oo ay fureen ciidamada AMISOM ee kolonyada watay.
Socodkii dadka iyo gaadiidka ee isgoyska Sanca oo muddo daqiiqado ah hakad galay ayaa markii dambe caadi ku soo laabtay, iyadoo isgoyska Sanca uu ka mid yahay deegaanada ku yaala woqooyiga magaalada Muqdisho ee dhowaan ay gaareen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ka dib markii ciidamadii ka horjeeday ee Al-shabaab ay sheegeen iney xeelad dagaal uga baxeen caasimada inteeda badan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...