Tuesday 30 August 2011

Ra’isulwasaaraha dowladda KMG Soomaaliya oo si weyn Gaalkacyo loogu soo dhoweeyay (Sawiro)


Share
Gaalkacyo (RBC Radio):- Dadweynaha magaalada Gaalkacyo ayaa soo dhoweyn aad u balaaran u sameeyay wafdi balaaran oo uu horkacayo Ra’isulwasaaraha dowladda FKMG Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali, wafdigaasi oo ka soo ambabaxay magaalada Garowe ee caasimada Puntland.
Gaadiidkii Ciidanka ee la socday Raysal wasaaraha
Wafdiga Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa looga hortagay degmada Xarfo ee gobolka Mudug waxaana uu horay u soo maray deegaanada u dhaxeeya degmooyinka Xarfo iyo Gaalkacyo halkaasi oo ay diyaar ugu ahaayeen dadweyne farabadan oo ruxayay caleemo qoyan, calamada Soomaaliya iyo kan Puntland.
Gaadiidkii Raysal wasaaruhu la socday
Dadweynaha ayaa iyagoo wata gaadiidka xaragada ee ay soo dhoweynta ugu talo galeen oo uu ku dhegan yahay sawirka Ra’isulwasaaraha waxay wafdiga Ra’isulwasaaraha uga hortageen banaanka magaalada Gaalkacyo iyadoo qaarkood ay uga hortageen degmada Xarfo, waxaana wafdiga Ra’isulwasaare Gaas loo soo galbiyay magaalada Gaalkacyo.

Soo dhoweyn aad u balaaran ayaa loo sameeyay wafdiga Ra’isulwasaaraha oo ay ka mid ahaayeen Wasiiro ka socda dowladda FKMG, Safiirka Soomaaliya ee Geneva Mudane Bari-bari, Wasiiro ka socda dowladda Puntland iyo Saraakiil kale oo ka tirsan dowladda FKMG Soomaaliya kuwaasi oo haatan ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Wafdiga Oo Socod ku maraya Deegaanka Cagaaran Ee Gobolka Mudug
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa amaankeeda sugayay ciidamada madaniga ah ee dhowaan loo aas’aasay in ay ilaaliyaan amaanka xaafadaha, kuwaasi oo inta Ra’isulwasaaruhu magaalada ka soo galayay xiray wadooyinka isla markaana amaanka magaalada gacan bir ah ku qabtay.

Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa magaalada Garowe ka soo raacay ciidamo farabadan oo isugu jira kuwa ilaalada madaxtooyada iyo ciidanka PIS-ta, waxayna aad iyo aad u ilaalinayeen amaanka Ra’isulwasaaraha iyagoo markasta u diidayay in shacabka iyo Ra’isulwasaaruhu salaanta ay kala qaataan oo ay is dhexgalaan, waxaana qofkasta oo ku faraxsanaa in uu Ra’isulwasaaraha arko ama uu salaamo hor istaagayay ciidamada la socday.
Waxgaradka Gobolka Mududg
Dr, C/weli Maxamed Cali ayaa soo maray deegaano farabadan oo dadku isa soo dhoobeen si ay u soo dhoweeyaan hase ahaatee lama uusan hadlin taasi oo ay ugu wacnayd markasta oo uu gaariga ka dego ciidamo ayaa isku geedaamayay oo dadkana ka celinayay isla markaana daqiiqado kadib ku amrayay in uu gaariga gudaha u galo.
Raysal wasaaraha oo salaamaya waxgaradka
Ra’isulwasaaraha ayaa deegaanka Heema ku soo salaamay Shiikh Maxamed Shiikh C/laahi, wuxuuna sidoo kale markii uu yimid magaalada Gaalkacyo uu salaan ugu tagey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle isagoo intaasi kadibna u gudbay kaamamka dadka barakacayaasha isagoo socodkiisa ku soo afmeeray koonfurta Gaalkacyo halkaasi oo uu ku soo salaamay madaxda maamulka Galmudug.

Ugu dambeyn Ra’isulwasaare Gaas waxaa la dajiyay Aqalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed uu ku leeyahay magaalada Gaalkacyo, waxaana la filayaa in uu maalinta berito ah iyo wixii ka dambeeya uu aadi doono magaalada Muqdisho.

Danjire Yuusuf Bari bari iyo Wariye Cawil Maxamuud Cabdi
Wasiirkii Hore ee Caafimaadka Puntland Dr.Biixi & Qaar ka mida suxufiinta G/mudug
Gaari ay leedahay Dawlada Hoose ee Gaalkacyo oo uu saaran yahay cod baahiye
Cawil Maxamuud Cabdi
Cawil@raxanreeb.com
RBC Radio.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...