Friday 23 September 2011

Gobolka Banaadir oo gelay Xilli dagaaleed cusub (Warbixin).


somalimemo.netCiidamada mujaahidinta wilaayada islamiga Banaadir ayaa kordhiyey weerarada qorsheysan iyo kuwa gaadmada ah ee maleeshiyaadka Calool Ussta ah loogu geysanayo deegaanada ay kaga sugan yihiin magalada Muqdisho iyadoona ay maanta soo baxayaan faafaahino ku aadan weerar xalay lagu qaaday maleeshiyaadka Calool Uusta ah.

Iyadoo qeyb ka ah weerarada qorsheysan ee salka ku haya isbadalka dagaal ee Muqdisho ayaa xalay weerar qaraxyo ah lagu qaaday guri maleeshiyaadka Calool Uusta ah ay kaga sugnaayeen xaafada suuq bacaad halkaas oo qasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu ka soo gaaray Calool Uusta ah.

Ilo wareedyo iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in qarax aad u xoogan o jugtiisa laga malqay xaafada oo idil lagu bartilmaamedsaday guri ay ku qayilayeen maleeshiyaadka DKG ka tirsan iyagoona sheegay in qaraxa uu qasaare xoogan geystay sida muuqata balse aan xog rasmi ah laga helin madama waqtigu uu ahaa Xilli habeen ah.

Ciidamo fara badan oo kuwa Calool Uusta ah ayaa goobta soo gaaray sida wararku sheegayaan markii uu qaraxu dhacay ka dib kuwaas oo halkasi ka daadgureyey askarta ku waxyeelowday iyo kuwa dhintay intaba,Ragii weerarka fuliyey ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen durbaba markii uu weerarku dhacay ka dib.

Weerarkan waxaa uu imaanaya xilli maalintii shalay askar ka tirsan kuwa DKG ah oo dhac ka geysanaya deegaanka kaxda lagu bartilmaamedsaday halkasi islamarkana lagaga dilay maleeshiyaad fara badan oo ka mid ah kuwii dhaca halkasi ka waday,ilaa lix askari ayaa ku dhimatay weerarkasi 3 kalena dhaawac ayaa soo gaaray iyadoona maleeshiyaadka ay halkasi isaga carareen.

Guutooyinka Qaraxyada Mujaahidiinta ayaa bilihii la soo dhaafay weerarkooda ku kordhiyey magalada Muqdisho oo ku jirta xaalada isbadal dagaal ah,iyadoona habeen iyo maalin deegaanada kooxda Calool Uusta ah ku beegsada Askarta DKG iyo ciidanka shisheeye ee soo duulay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...