Friday 23 September 2011

Maqaaal: Maxaa ka dhaxeeya qaylada xil-dhibaanada Digil iyo Mirifle iyo Gar-soor?!


Share
Maqaal: Maxaa ka dhaxeeya qaylada xil-dhibaanada Digil iyo Mirifle iyo Gar-soor?!
Cali Cilmi Soomaow
calisoomow@yahoo.com
Dowladda Puntland siday u shaqaynayso ayaa runtii ah wax aad loo dhalilli karo marka aad fiiriso arrimaha ka socda magaalada Gaalkacyo, siiba shirarkan loogu magac-daray  nabad gelyada ee ay wadaan odayaasha iyo Isimada Puntland qaarkood, waxaana meesha ka muuqda inuusan jirin nidaam qaynuun ah oo ay dowladdu wax ku maamulayso, ma xumo in nabad gelyada shacabka lagu raadiyo si qabow oo waddo kasta loo marayo laakiin sida ay u dhaqmayaan dadka u doodaya dhalin yarada ka dagaalamaysa xaafadda Gar-soor ayaa ah mid aad wax u kala fogaynaysa wixii sharci ahaa ee ay ahayd in dowladda xagga amniga looga dambeeyana meesha ka saaraysa arrintana u ekaysiinaysa in laba kooxo beeleed ay meesha ku gar naqsanayaan.
Waxaana taalaba kasta oo ay qaadaan odayaasha u doodaya daagalyahannada xaafadda Gar-soor ama nimanka lagu tuhunsanyahay inay Al-shabaabka yihiin ay wali u egtahay inay tahay talaabo lagula daagalayo nidaamka Puntland oo lagula dirirayo kala dambeyntii iyo amnigii guud ee Puntland, waayo ilaa iyo hadda inta la ogyahay xataa marna lagama hayo wax gacan siin ah oo ay dadkaas wadaan si dowladda ay ugu guulaysato ammaanka guud ee Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, keliya waxay la soo taaganyihiin muran weyn oo loogu qiil dayayo in danbiilayaasha lagu badbaadiyo isla markaasna ay falal danbiyeedyadii sii wadaan oo aay maalin kasta dadaan waxba galabsan ku dileen magaalada gudaheeda.
Waxaa aad gef u ah  dhaqanka qaarkiisa ee ka muuqda dadka wax dhexdhexaadinaya ama difaacaya dadka ay dowladda tuhunka ka qabto, sida in maalin kasta war baahinta laga aqristo ama laga dhegaysto warar lagu sheegayo in iyaga laga soo xigtay oo abuuraya dhibaato hor leh oo shaki mujtamaca kala gelin kara, ama mararka qaarkood lid ku ah jiritaanka Puntland.SII AKHRI

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...