Thursday 22 September 2011

Mushrikiinta Galguduud oo Baal Mugdi ah u galay.


somalimemo.netKooxaha Mushrikiinta ee galgaduud ayaa galaya marxalada burbur ah hogaankii kooxdasi uu bilaabay in midwaliba uu iskiisa u abaabulo maleeshiyaad gaar ah oo dagaalama diinta islamka islamarkana gaalada caalamka uu weji gaar ah kaga helo waxaana Qilaaf arimahasi la xiriira laga dareemaya qeybaha kooban ee ay galgaduud kaga sugan yihiin.

Koox horleh ayaa dhawaan looga dhawaaqay Caabudwaaq kuwaas oo sheegay in ay ka madax banaan yihiin mushrikiinta dhusamareeb iyo Guraceyl islamarkana ay iskooda isku maamulayaan islamarkana ay ku xirmayaan oo ay la shaqeynayaan gaalada kale ee aduunka.

Qilaaf xoogan oo muddo ka dhextaagnaa mushrikiinta ayaa banaanka yimid markii kooxda Caabudwaaq ay gooni isu taagtay,Qaar ka mid ah hogaanka mushrikiinta ayaa sheegay in qorshahan ay wadaan ragg doonaya burburinta kooxdooda waxaana ay sheegeen in aysan marnaba Aqbali doonin.

Ninka Golaha fulinta ugu magacaaban mushrikinta galgaduud Xeefow ayaa sheegay in arintan uu si aad ah kaga xumaaday islamarkana ay dabagal ku sameyn doonaan waxa ka dambeya qorshahan uu sheegay in ka dhexjiro maamul ahaan iyagana,kooxaha mushrikinta ayaa maalmahan dhexdooda waxaa soo kala dhexgalay kala shaki wayn iyo qilaaf aad u xoogan oo guud ahaan gobolka laga dareemay.

Isku dhacyada iyo Qilaaf hareyey Mushrikiinta waxaa sii dheer dharbaaxooyinka xooga leh iyo weerarda qorsheysan ee kaga imaanaya dhanka ciidamada mujaahidinta,geesiyaasha islamka wilaayada galgaduud ayaa cagta mariyey keydadkii hubka iyo talisyada mushrikiinta ee galgaduud bila ka hor iyadoona hadda mujaahidintu ay kulaalayaan labada magalo ee Guraceyl iyo dhuusamareeb oo ah halbowlaha mushrikinta Gobolada dhexe guud ahaan.

Burburka iyo mugdiga soo wajahay kooxaha mushrikiinta ayaa qeyb ka ah guuldarada ku timid danaha dowlada Itoobiya ee wilaayadka dalka Somalia oo si isku mid ah u guuldareysatay,sanadkan horaantiisii ayey kumanaan ciidamo ah iyo saanad dagaal ku soo harqisay mushrikiinta laakiin Allah fadhligiis mujaahidinta ayuu hubkoodii qaniimo ugu dhigay maleeshiyaadkiina iyagoo Fiigtaal ah ayey ku noqdeen Xeraale iyo miyigii kale ee laga soo uruuriyey.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...