Sunday 30 October 2011

Dayuurado dagaal oo maanta duqeyn ka geystay deegaano ku yaala gobolada Jubooyinka oo ay maamusho Xarakada Al-Shabaab
Duhurnimadii maanta ayaa labo dayuuradood oo ah kuwa dagaalka ee loo yaqaano miigaga waxay duqeyn ka geysteen deegaano ka tirsan gobolada jubooyinka oo ay ka mid yihiin degmada Jilib iyo deegaanka Buulo xaaji oo qiyaastii 90-km u jira magaalada Kismaayo ee gobolka hoose sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.
Dayuuradahan oo oo badinayo iney leedahay dowlada Kenya ayaa waxaa la sheegay in ilaa lix gantaal ay ku garaaceen meelo ka mid ah dgmooyinka Jilib iyo Buulo Xaaji ee gobolada Jubooyinka, iyadoo faahfaahin badan aan laga heynin qasaaraha ay geysteen iyo meelaha lala beegsaday madaafiicdaas ay tuureen dayuuradaha dagaalka ee saaka soo weeraray meelo ka mid ah jubooyinka.
Shiikh Abuukar Cali Aadan oo ah Guddoomiyaha gobollada Jubbooyinka ee Xarakada Al-shabaab oo ka hadlay idaacad ku taala magaalada Kismaayo oo ku hadasha afka Xarakada Al-shabaab ayaa ku eedeeyey duqaeyntan iney geysteen diyaaradaha dagaalka ee dowlada Kenya.
"Degmada Jilib waxay ku rideen Afar gantaal, laba ka mid ah waxay ku dhaceen xero ay ku jireen dad barakacayaal ah, haweeney ayaa ku dhimatay, waxaana ku dhaawacmay 25 kale gantaal kale waxaaa u ku dhacay boosteejo laga raaco gaadiidka u baxa Xamar labo ruux ayaa ku dhaawacmay gantaalka afaraadna meel magaalada banaankeeda ah oo cidlo ah ayuu ku habsaday" ayuu yiri Sheekh Abuukar oo sheegay inuusan jirin wax qasaare ah oo ciidankooda ka soo gaaray duqeyntaas.
Inkastoo Shiikh Abuukar Cali Aadan Guddoomiyaha gobollada Jubbooyinka ee Xarakada Al-shabaab uusan soo hadal qaadin ayaa hadana warar soo baxaya waxay sheegayaan in deegaanka Buulo Xaaji oo ilaa 90 KM ka baxsan magaalada Kismaayo ay maanta iyana duqeyn ka geysteen labo dayuuradood oo loo badinayo iney leedahay dowlada Kenya, mana cada ilaa hadda qasaaraha ka dhashay duqeynta ka dhacday Buulo Xaaji oo ay xaqiijiyeen dadka deegaanka ah.
Kenya ayaa ciidamo fara badan u soo dirtay gobolada jubooyinka si ay ula dagaalamaan ciidamada Al Shabaab oo ay ku eedeeyeen iney falal amaan daro ka geysteen iyadoo Xarakada Al shabaab ay sheegtay iney dagaal kala hor tegi doonto ciidamadaas, waxaana dayuuradaha dagaalka Kenya ay duqeymo noocan ah oo kale ah ka geysteen magaalada Kismaayo iyo deegaano kale oo ku yaala gobolada Jubooyinka oo xiisado dagaal ay ka tagaan yihiin, mana jiro war ku saabsan duqeyntan oo ka soo baxay dowlada Kenya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...