Wednesday 26 October 2011

Madaxda dowlada KMG Soomaaliya oo Si Buuxda kaga soo horjeestay soo galitaanka Ciidamada Kenya



 
Share
Muqdisho (RBC Radio) Dowlada KMG SOomaaliya ayaa cadysay mowqifkeeda ku aadan Soogalitaanka ciidamada kenya dalka Soomaaliya ka dib kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxda ugu saraysa dowlada KMG Soomaaliya, waxaana kulankaasi laga soo saaray bayaankaan.
CADDEYNTA MOWQIFKA DOWLADDA
Marka ugu horreysa waxaan dooneynaa inaan hoosta xarriiqno qodobadan:
·      Kenya iyo Soomaaliya waxay leeyihiin taariikh dheer oo saaxiibtinnimo iyo iskaashi ah, taasoo socota illaa maanta
·      Kenya waxay illaa muddo fog taageersaneyd nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
·      Axdiga KMG ee ay ka dhalatay Xukuumadda KMG ah waxaa lagu soo ansixiyay dalka Kenya, iyadoo Kenya ay illaa muddo fog u doodeysay in beesha caalamka ay gacan ka geysato xasilinta iyo dib-u-dhiska dalkeena
Midda labaad, waxaan Kenya uga mahadcelineynaa sida ay Xukuumadda KMG ah ugala shaqeyso xasilinta Soomaaliya iyo tababarka tiro badan oo ciidamo Soomaali ah, iyagoo martgeliyay tiro aad u badan oo qaxooti Soomaali ah.
Dhab ahaantii, shacabka Soomaaliyeed iyo weliba saaxiibada aan ku leenahay gobolka sida Uganda, Burundi, Kenya iyo Itoobiya waxay dhibaatooyin ka soo gaareen Al-Shabaab. Waxaan wadaagnaa baahida loo qabo in la jebiyo kooxda Al-Shabaab, mana jirto cid Soomaaliya kaga baahi badan in Al-Shabaab ay burburto.
Waxaan kaloo la wadaagnaa mowqifka ah in Al-Shabaab ay tahay cadow ay wadaagaan labada dal, hase yeeshee dhinaca kale loo baahan yahay in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo dhulka labada dal.
Haddaba si loo dajiyo istiraatiijiyad dhinaca ammaanka oo loo dhan yahay, waxay labada dale ee walaalaha ah isku raaceen:
·      In layska kaashado howlgallada militeri ee ay qaadayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ay soo tababartay Kenya.
·      In layska kaashado in la wadaago macluumaadka ku saabsan dagaalka ka dhanka ah howlgallada iyo dambiyada ka dhaca meelo ka baxsan xuduudaha dalalka.
Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya ayaa loo xilsaaray inuu arrintan la socdo, wuxuuna magacaabi doonaa guddi wadajir ah oo dhinaca ammaanka ah oo uu hoggaamin doono Ra’iisul-wasaaraha, guddigaas oo la shaqeyn doono guddi kale oo dhinaca Kenya ah.
Waxaan sidoo kale dooneynaa inaan faahfaahinno in Qorshaha Ammaanka iyo Xasilinta Qaranka (NSSP) ee la ansixiyay wuxuu qaban doonaa:
1.     In dalka oo dhan laga xoreeyo arxan-darrada Al-Shabaab, iyadoo la kaashanayo AMISOM, IGAD iyo dalalka saaxiibka ah.
2.     In la xasiliyo meelaha laga xoreeyay Al-SHabaab.
3.     In loo dhiso maamullo meelaha la xoreeyay iyadoo la raacayo Axdiga Federaalka KMG ah.
Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka inay sii laba-laabaan dadaallada ay ku caawinayaan dadka baahan eek u nool deegaannada laga xoreeyay arxan-darrada Al-Shabaab.
Waxaan mar kale soo dhoweyneynaa taageerada beesha caalamka ee lagu jabinayo Al-Shabaab, waxaan caddeyneynaa in arrintaasi baahi loo qabo, hase yeeshee waa in la ixtiraamaa madaxbannaanida iyo dhulka Soomaaliya.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...