Thursday 27 October 2011

Raysal wasaare Gaas: Ciidamada Kenya Sharci iyo Rabitaanka Dawlada Ayey ku Joogaan Dalka



 
Share
Muqdisho (RBC Radio) Xilli madaxda dowlada KMG  Soomaaliya ay cadeeyen inaysan raali ka aheyn soo gelitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya isla markaan ay k asoo horjeedaan in ciidamada Kenya ay soogalaan Soomaaliya, ayaa hadana xukuumada KMG Soomaaliya waxey ku dhawaaqday in ay soo dhoweynayso ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya kula dagaalamaya Al-Shabaab.
Resysal wasaraaha ayaa cadeeyay in labada dowladood uu ka dhaxeeyo iskaashi dhinaca Meletariga ah islamarkaana ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay taagerayaan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.
Reysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in labada wadan ay yeeshaan mowqif mid ah oo ku aadan la dagaalanka Alshabaabka ka soo horjeeda dowlada KMG.
Wuxuu sdoo kale uu sheegay in ciidamada Kenya ee gudaha u soo galay Soomaaliya ay si aad ah u soo dhoweynayso xukuumadiisa isla markaana ay taageersantahay dagaalka ay kula jiraan ururka Al-Shabaab.
“Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya wey ku joogaan rabi taankeena waxeyna la dagaalamayaan ururka Al-Shabaab ee ka soo horjeedaan dowlada KMG Soomaaliya”sidaa waxaa yiri Raysal wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA.
Sidoo kale Raysal wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya Ayaa carabka ku dhuftay in Kenya ay dhibaato u geesteen ururka Al-Shabaab ee ka dagaalamaya gudaha Soomaaliya didaa darteedna ay u soo galeen Soomaaliya.
Hadalka Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa u muuqda mid ay ku kala duwanyihiin  madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya siyaasada ku aadan soogalitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...