Tuesday 25 October 2011

Sh.Shariif oo Kenya Dhaliilay: Qiiro Wadaniyeed Mise?!

 Todobaad ka dib markii ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya, madaxweynaha DKMG Sh.Shariif waxa uu yidhi: "ciidamada Kenya in ay iska soo galaan dalka, shacabka Soomaaliyeed ma ogola, dowladduna ma ogola".


Qof kasta oo Soomaali ah oo damiir leh marna raali kama aha in ciidamo shisheeye ay xoog ku soo galaan Soomaaliya, laakiin su’aasha xiisaha badan waxay tahay: maxaa sabab u ah in Sh. Shariif dhaliilo galitaanka ciidamada Kenya ay soo galeen Soomaaliya, ma qiiro wadaniyeed ayaa ugu wacan mise sheekooyink kale oo dahsoon ayaa jira?!

Hadalka ka soo yeedhay Sh.Shariif marna ma aha mid ku salaysan qiiro wadaniyeed, balse waxaa jira arimo kale oo uu diidan yahay. Dhaliisha uu u soo jeediyey ciidamada Kenya ee Soomaaliya galayna, waa hadal siyaasadeed oo uu ku daboolayo arimo kale oo uusan afka soo marin karin.  

4 Arimood oo Cadayn u ah in Hadalka Sh.Shariif uusan ku salaysnayn Qiiro Wadaniyeed:
Haddii hadalka Sh.Shariif uu ku salaysan yahay qiiro wadaniyeed, su’aalaha taagan waxa weeye:
  1. Maxaa Sh.Shariif u dhaliili waayey ciidamada Ethiopia ee sida joogtada ah u soo gala Soomaaliya markay doonaan, gaar ahaan gobolka Hiiraan, Galgaduud iyo Bakool. Goboladaasi ma aha miyaa dhul Soomaaliyeed?! Ciidamada Ethiopia iyagu miyeysan ahayn ciidamo shisheeye?!.
  2. Maxaa Sh.Shariif u dhaliili waayey weerarada xagga hawada ah ee ay sida joogtada ah u fuliyaan diyaaradaha Maraykanka ee aan cidi wadin, oo si joogto ah u duqeeya goobo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose?! Diyaaradaha Maraykanku awood shisheeya ma aha miyaa?!
  3. Haddii Sh.Shariif ay qaaday qiiro wadaniyeed, maxaa uu hadalkan dhaliisha ah u sheegi waayey ka hor intii aysan dalka Soomaaliya booqashada ku iman wasiirka Arimaha Dibada Kenya Moses Wetangula iyo wasiirka Difaaca Yuusuf Xaaji?
  4. Waxaa hubaal ah in Dowlada Kenya u sheegtay Sh.Shariif in ciidamada Kenya soo galayaan Soomaaliya, fariintaasna waxaa loogu soo dhiibay wasiirka Arimaha Dibada  Kenya Moses Wetangula iyo wasiirka Difaaca Yuusuf Xaaji, wax diidma ahna ma uusan sheegin intii waftiga Kenya ku sugnaayeen Muqdisho. Sidaa darteed hadalada ka soo yeeray Sh.Shariif waa mid uu rabo in uu ku beerlaxawsado shacabka Soomaaliyeed, isuna tuso in uu yahay qof ka dhiidhiyey in lagu soo xadgudbo dhulka Soomaaliyeed.
  5. Waxaa kale oo ah wax lagu qoslo hadalka Sh.Shariif ee ah ciidamada AMISOM waxay ogolaansho ka haystaan shacabka Soomaaliyeed! Waa ayo shacabkaasi? Ma shacabka masaakiinta ah ee ay madaafiicda ku gumaadeen?! Hadaladii uu shalay ka jeediyey Dayniile waxaa ka mid ahaa: “ciidamada walaalaheen ee Brundi”. Qofka kasta oo Soomaali ahi waa ogyahay dadka shacabka ah ee aan tiradooda la soo koobi karin ee AMISOM ku xasuuqday Muqdisho. (tusaale ahaan fiiri sawirka qoraalkan la socda oo ah dad shacab ah oo saarnaa bus oo AMISOM ku xasuuqday No.4).


Sheekada Dhabta ah: (Dhariga Maxaa Qiiqa ka Keenay?)

Hadalada dhaliisha ah ee Sh.Shariif dusha uga tuuray Kenya ma ah mid ku salaysan qiiro wadaniyeed, balse xaqiiqdu waxa ay tahay Sh.Shariif in uu si aad ah uga xun yahay taageerada militari iyo siyaasadeed ee Kenya u fidinayso maamul goboleedka cusub ee Azania ee uu madaxweynaha ka yahay Prof. Maxamed Cabdi Gaandi iyo urur diimeedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Sh.Axmed Madoobe. Hadda ka hor ayuu Sh. Shariif waraaq u diray madaxweynaha Kenya oo uu kaga codsanayo in aan la taageerin Prof. Gaandi, isla markaasna ciidamada Soomaaliyeed ee Kenya lagu tababaray Muqdisho la keeno, balse Kenya codsigaasi dhag jalaq uma siin.

Sh.Shariif waxaa walaac ku haya maamul goboleedka Azania, oo la hubo in hirgalitaankiisu wax weyn ka badali doono awood qeybsiga dowlada dhexe ee Soomaaliya ee qabiilka ku dhisan. Sidoo kale waxaa Sh.Shariif dhakafaar ku riday dib u soo noolaanshaha awoodii militari ee ururka Raaskambooni oo ah urur diimeed leh ciidamo aad u tababaran, kana soo jeeda gobolada Jubbooyinka, Soomaaliduna ku xasuusato dagaaladii ay guulaha waaweyn ka soo hooyeen sida dagaalkii lagu bur-buriyey dagaal oogaayaashii sanadkii 2006 iyo dagaaladii cuslaa ee ciidamada Ethiopia looga saaray Soomaaliya. 

Nuxurka qormadani waa xaqiiqda ah: Sh.Shariif ma diidana in ciidamada Kenya soo galaan Soomaaliya, ee waxa uu diidan yahay in ciidamada Kenya ay taageeraan Madaxweynaha Azania Prof. Gaandi iyo Guddoomiyaha ururka Raaskambooni Sh. Axmed Madoobe.  

Dr.Maxamed Cabaas (Guddoomiyihii hore ee Jaaliyadda Soomaalida Malaysia 2008 – 2010)


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...