Sunday 23 October 2011

SomaliMeMo oo SAWIRRO kasoo qaaday Duqeynta Kismaayo (DAAWO)


.

somalimemo.net(SomaliMeMo Exclusive) WeriyahaSomaliMeMo ee magaalada Kismaayo ayaa goordhaw booqday goobo ay maanta gelinkii dambe duqeyn ka geysteen Diyuuradaha dagaalka Dowladda Kenya.

Majirin wax khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay duqeyntii maanta waana Mahadda Alle in bartilmaameedyadii cadawga uu dhicisoobay.
Kaamirada SomaliMeMo ayaa soo sawirtay dhamaan goobihii ay ku dhaceen Bambaanooyinka ay soo tuureen diyuuradaha dagaalka.

Diyuuradaha ay Kenya kusoo weerar tagtay ayaa ahaa kuwa Gaboobay waana nooca loo yaqaan Miigga oo lagusoo farsameeyay Midowgii Suufiyeeti ee Burburay.

Wax khasaara ah kama dhalan duqeyntii maanta waxaana ceeboobay kuwa sheegta saxaafadda Soomaalida oo galabta ilaa iyo caawa faafinayay in saraakiil katirsan mujaahidiinta iyo ciidamo lagu dilay duqeynta.

Saxaafadda Islaamiga ayaa fadeexadeynaysa kuwaasi dabadhilifyada ah ee mooday in beentu awood u yeeli karto ciidanka cadawga Kenya iyo maleeshiyaadka Axmed Madoobe.

Su'aasha isweydiinta mudan waxay tahay haddii Dekadda Kismaayo lagaraacay aaway burburka dekadda gaaray? Maxaa loo waayay dhiig iyo dad ku dhintay duqeynta? Jawaabahaasi ayaa ah kuwa waafi ah.

SAWIRKA KU DHUFO SI UU KUUGU WEYNAADO


somalimemo.net
Goobta uu ku dhacay Gantaalka Hore waana meel maran


somalimemo.net


somalimemo.net
Xeebta Liido oo Gantaalka diyuurada ku dhacay dhulkana qoday


somalimemo.net
Xeebta Kismaayo oo duqeyn aan sidaasi ubadneyn ku dhacday

somalimemo.net
Xeebta Liido oo Gantaal aan Khasaara geysan kusoo dhacay


somalimemo.net



somalimemo.net


somalimemo.net

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...