Sunday 23 October 2011

Taliska Shisheeyaha oo si rasmi ah Mujaahidiinta xiriir kala soo sameeyay soo wareejinta bakhtiga.



(SomaliMeMo Exclusive)Warar xog ogaal ah oo ay heshay wakaaladda WararkaSomaliMeMo ayaa sheegaya in Taliska Ciidamada shisheeyaha ee Muqdisho ay si toos ah ugala soo xiriireen Mujaahidiinta arrinta ku aadan in ay u ku soo wareejiyaan meydadka faraha badan ee Ciidamada Burundi kuwaasi oo ku xasuuqmay dagaalkii Khamiistii ee Dayniile.

Inkastoo aan la ogeyn qaabka xiriirku uu yahay, hadane ilo wareedka aan ka soo xiganeyno xogta wuxuu intaasi ku daray in ay ku baryootamayeen Ciidamada shisheeyaha wax magdhow ah in aysan ka heli doonin askartaasi haddii aan la keenin meydadkooda oo aan la tusin dawladaha dhaqaalaha ku bixiya joogitaanka shisheeyaha ee Somaliya.

''Xeerka u yaalla nimanka soo dirsaday Afrikaantan wuxu yahay haddii askari kaga bakhtiyo Muqdisho in ehelladiisa la siiyo lacag magdhow ah oo gaareysa 22 kun ilaa 50 kun oo Dollar, waxaana shardi ah askariga dhintay in meydkiisa la hayo, haddii kale waxaa loo diiwaan gelinaa ''Missing soldier'' ama askari la la'yahay, oo aan geeri lagu hubin.

Taliska Ciidamada shisheeyaha ee la soo xiriiray Mujaahidiinta ayaa arrinkaasi ka wallaacsanaa, sidaasi darteedna waxey dalbadeen in meydadkaasi qaab kasta oo loogu soo gacan gelin karo ay diyaar u yihiin si ehelladoodu ay magdhow ugu helaan, waxaana ay sheegeen in ay soo gudbinayaan liiska magacyada askarta ay ku waayeen dagaalkii Dayniile, askartaasi oo ay sheegeen shisheeyuhu in ay kala ogeyn haddii ay dhinteen ama maxaabiis ahaan loo qabtay.

Warar la isla dhexmarayay maalmihi la soo dhaafay ayaa sheegayay in ay jiraan maxaabiis lagu qabtay dagaalkii Dayniile, iyadoona afhayeenka shisheeyaha mar uu ka hadlay dagaalkaasi uu qirtay askar in ay ka maqan tahay, balse wuxuu ku fadeexoobay bakhtigii la soo bandhigay oo uu isku dayay in uu dafiro.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...