Wednesday 26 October 2011

Xisbi Siyaasadeed loogu Magacdaray SSC oo looga Dhawaaqay Hargaysa



 
Share
Kayse Cabdi Yuusuf
Hargeysa (RBC) Waxaa maanta gudaha magaalada Hargaysa ee Somaliland looga dhawaaqay Xisbi-Siyaasadeed cusub oo loogu magacdaray SSC, kaas oo kamid noqonaya ururada Siyaasadeed ee ka jira Somaliland.
Ururkan cusub ee SSC ayaa hogaamiye waxaa u ah Kayse Cabdi Yuusuf oo horey uga mid ahaan jiray Saraakiishii SSC balse khilaaf soo kala dhexgalay ay markii danbe keentay in heshiis uu la galo Xukuumadda Somaliland,wuxuuna la magac yahay ururkiisii hore.
Xaflad ka dhacday magaalada Hargaysa ayuu ka sheegay Kayse in ururkan cusub ee SSC uu kamid noqon doono ururada ka jira Somaliland, wuxuuna sidoo kale intaas ku daray oo uu yiri: “Haddii shalay aanu ahayn SSC sita qori maanta waxaanu nahay Urur Siyaasadeed cusub oo kamid noqonaya kuwa ka jira gudaha Somaliland…”ayuu yir Kayse Cabdi Yuusuf.
Hogaanka ururka Cusub ee SSC Kayse Cabdi Yuusuf ayaa sidoo kale Faah-faahin ka bixiyey mab’da uu yeelanayo ururkooda cusub, wuxuuna ku sheegay in uu yahay mid aaminsan siyaasada, jiritaanka Somaliland, mid aaminsan dastuurka iyo xeerarka u degsan Somaliland, mid aaminsan ku dhaqanka shareecada Islaamka in dadka lagu dhaqo iyo kuwa kale.
Intii uu Jeedinaayey Khudbadiisa uu kaga hadlaayey ururka cusub ayuu wuxuu hoosta ka xariiqay in bilowga sanadka cusub ay qaban doonaan Shirweynaha ururka, kaas oo ay ka qeybgali doonaan dhamaan gobolada Somaliland sida uu sheegay.
Si kastaba ha ahaatee ilaa iminka kama aysan hadlin mas’uulyiintiihorey u sidatay magaca ururkan cusub,waxaase la dhowrayaa Jawaabta ayka bixin doonaan magacoodii oo loo bixiyey urur cusub.
RBC Hargeysa

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...