Wednesday 28 December 2011

Abu Jihaad (Sheeko Gaaban)

Abu Jihaad
(Sheeko Gaaban) 
Wq. Ismaaciil Cabdiraxmaan Xasan
(Khaliil) 

December 21, 2011


Waxa uu fadhiistay derbi. Inta uu kambadhuudhsaday oo haddana kadaloobsaday ayuu dhabanka gacanta saaray. Hortiisa dad badan ayaa isweydaaranaya, haddana waxa uu dareemayaa kelinimo iyo cidlo ciirsila'. Dadka ay dariiqa ku kulmaan haddii ay salaamaan ayaaba naf u ah. Kuwo badani jidka ayayba uga leexdaan marka ay arkaan isaga oo gidaarka fadhiya iyagoo weliba hoosta ka nacdalaya.
Waxaa maskaxdiisa ku soo dhacaya waxyaabo badan oo inuu xasuusto aanu jeclayn. Mar walba wuxuu isku dayaa in uu is ilawsiiyo. Haseyeeshee, arrimahaasi waa kuwo aan maskaxdiisa sinnaba uga go’i karin. Haddii uu hurdo iyo haddii uu soo jeeddaba way hor imanayaan.
Waxyaalo badan ayuu tijaabiyay bal si uu isku ilawsiiyo arrimahan. Qaadka iyo maandooriyayaal kale oo xashiishku ka mid yahay ayuu naruuro ka raadshay bal mar uun in uu ku nafiso si dhacdooyinkii hore maskaxdiisa uga maydhmaan. Maandooriyayaashaasi waxba umay tarin ee waabay uga sii dareen. Marka uu qaadka cuno ayayba ugu sii daran tahay. Mar allaale iyo marka uu sariirta tago ayaa lagu soo degayaa oo waxyaabihii uu is ilawsiinayay oo aad mooddo in ay maanta dhaceen la hor keenayaa!
Werwerka haysta waxaa u dheer isagoo jidhkiisii uu sii gurmayo isla markaana maalinba maalinta ka dambaysa sii caatoobaya. Qofkii hore u yaqaannay ma garan karo illaa uu afka kala qaado. Dad badan oo xaafadda deggani waxay aaminsanyihiin in inkaari sidaa u dubatay. Oo inkaarta maxaa tolow kelidii ku koobay? Immisaa dhibaato geystay oo haddana maanta Jinni ka caafimaad badan! Waa yaab.
Tolow muxuu sameeyaa dhakhtaradu arrintiisa wax ma ka qaban karaan mise culumada diinta ayaaba dhaanta? Hase yeeshee waxyaabahan uu hore ugu kacay wax dad waaweyn lagula hagaagi karo ma yihiin. Intii hore u ogayd waxa uu sameyn jiray way ogtahay.  Saw ma noqonayso uun kuwo kale oo aan la socon inuu ceebtiisa iyo xumaantiisa  ogeysiiyo. Taasi miyaanay ahayn is fadeexadayn? Inuu iska adkaysto ayaaba malaha u roon. Laakiin ma adkaysan karaa? Saw maradaadii oo kugu gubatay ma'aha?
Ilaahay waa qafuuru raxiime dambiyada noocan oo kale ah tolow ma Raabi Cafiyaa? Mise kuwani waa kuwii la yidhi waa dunuubul kabaa’ir oo lama dhaafo iyaga. Yuu weydiiyaa sawtii Sheekhii mawlaca xaafadda markii uu is yiri arrinta u sheeg  isagoon jawaab siinin intuu ka cawda billaystay iskaga dhaqaaqay. Markaa ma dambiyada maqalkoodaba laga cararayo ayuu Ilaah dhaafi karaa.
Dib buu haddana wax u gocday. Waxa uu is xusuusiyay kuwii ay hawsha wada fulin jireenba in ay maanta mujaahidiin yihiin. Waxa uu si weydiiyay waxa isaga ka reebay oo uu ugu biiri waayay. Saw kuwaa cumaamadda guduudan wada sita ee warwar la’aanta ku nool ma'aha, tolw mise isagu waa ka dambi badnaa? Malaha in uu iyagii ka daba tago wax u dhaammaa ma jirto.
Waxani wax ka weyn e tolow ninku muxuu samayn jiray?
Saw in uu si dhkhso ah go’aan u gaadho maaha illeen sidan kuma sii jiri karee. Ninkii Shan Khaarajiye ee ay Isbaarada wada lahaan jireen maanta waa mujaahid aad  looga dambeeyo oo magac weyn ku dhex leh Xarakada Mujaahidiinta. Isaga in uu la xidhiidho ayuu go’aansaday. Laakiin ninkaas aanooyin badan ayaa hore u dhexmaray ee armuu wixii xasuusanyahay oo uu ka aargoostaa ayuu haddana is kula faqay. Mise sida wixii uu hore u fali jiray uu u illoobay ayuu aanooyinkaasna u hilmaamay tolow ayuu laabta ku qabaajoiyay. Kollay diinta ayaa wax looga yara sheegsheegay oo Shan Khaarajiyihii aan naqaannay maaha. Waa mujaahid weyn oo xarakadu ku dhaadato.SII AKHRI

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...