Monday 26 December 2011

Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo Labo Bil Gudahood Lagu kala Dirayo Iyo Shaxda Qeybinta Baarlamaanka Cusub (Warbixin)


Share
Muqdisho (RBC) Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay dib uga soo laabtay shirkii Garowe ayaa shaaca ka qaaday in mudo labo bilood gudahood lagu kala diri doono xildhibaanada baarlamaanka KMG Soomaaliya iyadoo sida uu sheegay la guda geli doono soo xulida baarlamaan cusub oo ka kooban 225 mudane.
Shariif Xasan ayaa sheegay in xildhibaanada baarlaamanka ku jira ee 550-ka mudane ay dib ugu laabtaan qabiiladooda ayna kalsooni soo weydiistaan odayaashooda si haddii ay rabaan loogu soo daro baarlamaanka cusub ee la sameyn doono bisha June ee fooda inagu soo heysa.
“Waxaan rajeyneynaa in waqti badanaa meesha fadhinay aanan markaan caqabad noqon oo qabiilada dib loogu laabto, nin kastana uu ugaaskiisa soo weydiisto inuu soo magacaabo” ayuu yiri Shariif Xasan oo xilka laga xayuubiyey 13-kii bishan Disembar.
Kala dirista baarlamaanka
Ilo wareedyo ku dhow madaxda DKMG gaar ahaan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan ayaa u xaqiijiyey Raxanreeb in labada bilood ee fooda inagu soo haya lakala diri doono baarlamaanka si markaasi loo bilaabo fulinta qorshe hawleedkii ka soo baxay shirkii Garowe kaasoo ahaa in ugu dambeyn bisha June ee 2012 lasoo dhiso baarlamaan cusub oo tiradiisu ay gaareyso 225 mudane.
Ilaha ayaa sheegaya in Labada Shariif aysan rabin in baarlamaanka hadda iskhilaafsan uu kulamo yeesho mudada ka horeysa labada bilood ee soo socota, sidaasi darteedna ay tahay inay iska kala tagaan.
Mudanayaasha baarlamaanka ee hadda ku sugan Muqdisho ayaa ku dhow 400 xildhibaan, waxayna intooda badan ka horjeedaan Shariif Xasan oo sida dhacday 13-kii bishan ay xilkii ka xayuubiyeen. Shariif Xasan qudhiisa ayaan rabin in dib loo furo shirarka baarlamaanka waayo waxaa uu diidan yahay inuu sii socdo buuqii dhaliyey inuu isaga xilkiisa waayo.
Mid ka mid ah mudanayaasha ku dhow Shariif Xasan oo wada sheekeysi la yeeshay wariye ka tirsan Raxanreeb ayaa xaqiijiyey in qorshaha aysan ku jirin in baarlamaanka hadda jira la horkeeno qorshaha “roadmap-ka” ee ka soo baxay shirkii Muqdisho ka dhacay bishii Sebtember iyo sidoo kale natiijada shirka Garowe.
“Xildhibaanada waxay ku kacsan yihiin Shariif Xasan marka haddii baarlamaanka furo waxaa ka dhalan karta buuq iyo dagaal. Arinta shirka Garowe waa xasaasi sidaasi awgeed qorshuhu ma ahan in waqtigan baarlamaan la furo” ayuu yiri mudanahaasi oo naga codsaday inaan magaciisa loo adeegsan warbixintan.
Waxaa sidoo kale jirta in tirada “kooramka” uu ku furmi karo kulanka baarlamaanka aan la heli karin haddii uu Shariif Xasan damco inuu isagu gudoomiyo shirka baarlamaanka- maadaama mudanayaasha intooda badan ay ka horjeedaan taasina waxay keeneysaa in Shariif Xasan wax hami ah ka gelin qabashada kulan baarlamaanka oo cod loogu qaado natiijada shirkii Garowe ama waxyaabo kale.
Qeybinta 225 mudane
Warar aad loogu kalsoon yahay ayaa sheegaya in mudanayaasha baarlamaanka ee cusub loo qeybsanayo afarta beelood ee waaweyn oo min 50 mudane ah;-
- Beelaha Hawiye -   50 xildhibaan
- Beelaha Daarood-  50 xildhibaan
- Beelaha Difil iyo Mirifle- 50 xildhibaan
- Beelaha Dir-  50 xildhibaan-
- Iyo beesha shanaad-  25 mudane
- Dhanka beelaha Digil iyo Mirifle waxaa la soo marsiin doonaa Shariif Xasan Sheekh Aadan, si uu gorgortan ugula xubnaha cusub ee magaca beeshaasi ku imanaya inay isaga codka siiyaan doorashada bisha August 2012 dhacaysa ee marka hore gudoonka baarlamaanka ka dibna madaxweynaha.
- Dhanka beelaha Hawiye, Waxaa iyana loolan adag ku jira Sheekh Shariif oo aad u rajeynaya inuu mudada afarta sano ee soo socota madaxweyne ka noqdo dalka sidaasi darteedna waxaa uu xusul duub ugu jiraa in isaga lagala tashado xubnaha magaca HAWIYE ku soo gali doona baarlamaanka.
- Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo heshiis kula soo galay labada Shariif xilka raysul wasaaraha ayaa isaguna waxaa ka go’an inuu soo xulo mudanayaasha beelaha Daarood ku soo geli doona baarlamaanka (gaar ahaan beelaha Harti, Leelkase & Awrtable) si taasi ay uga caawiso inuu ku soo baxo jagada raysul wasaarinimo oo uu hadda hayo C/weli Gaas oo deegaanada Puntland ka soo jeeda.   Sida ku jirtay hadalkii madaxweyne Faroole uu ka jeediyey gebagabadii shirkii Garowe wuxuu sheegay in mudanayaasha Puntland ka iman doona aysan ku iman doonin qabiil ee uu isaga keeni doono. [Akhri hadalkii Madaxweyne Faroole]
Shariif iyo Faroole oo si Kalgacal ah isu salaamay
Laakiin dad badan aya durba dood ka keenay in Faroole uu ku hadli karo magaca beelaha ku nool Puntland, iyadoo la og yahay in deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn badankooda aysan hadda hoostegin maamulka Puntland. Sidoo kale beelo kale ayaa iyaguna sheegay in Faroole uusan meteli karin.
Fulinta qorshe hawleedka
Sida lagu xusay war murtiyeedkii gabagabada ee shirkii loogu magacdaray “Mabaadii’da Garowe” waxay ballantu tahay in 15-ka bisha June 2012 la dhameystiro xulida baarlamaanka, ka dibna bisha July 2012 la doorto gudoomiye baarlamaan oo uu u sharaxan yahay Shariif.
Waxaa taasi ku xigi doona doorashada madaxweynaha hogaaminaya dawlad aan KMG ahayn oo shaqeyn doonta afarta sano ee xigta iyadoo Sheekh Shariif uu dhexda u xirtyay in kursigaasi uusan isaga dhaafin.   Sidoo kale ayay ballantu tahay in C/raxmaan Faroole loo magacaabo xilka raysul wasaaranimo.
Iyadoo arimahan oo dhan jiraan ayaa waxaa haddana juira dedaalo xoog badan oo lagu mucaaradayo qorshahan loogana hortagayo inuusan fulin.
Si kastaba beesha caalamka gaar ahaan Xafiiska Qaramada Midoobay UNPOS ayaa u muuqda inuu si aad ah ula dhacsan yahay qorshayaasha saddex geesoodka ee socda.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...