Thursday 29 December 2011

Dagaalkii Taabto oo soo gaba gaboobay iyo Tobaneeyo Askari oo Kenya laga dilay.


Written by Administrator on .
somalimemo.netWaxaa goordhaw oo caawa ah soo gaba gaboobay dagaalkii Cuslaa ee galabta ka bilaawday deegaanada Taabto iyo Qooqaani ee wilaayada Islaamiga Jubbooyinka.

Wararka nagasoo gaaraya dhulka Howdka ah ee u dhexeeya Taabto iyo Qooqaani ayaa xaqiijinaya in ciidamada Mujaahidiinta ay soo gaba gabeeyeen Howlgal saacado qaatay oo lagu baacsaday cadawga Kenya ee Soomaaliya kusoo duulay.

Wariye ku sugan Jubbada Hoose ayaa soo sheegay in dagaalkii galabta lagu dilay inkabadan 10 Askari oo Kenyaati ah iyo dhaawac gaaray tiro katirsan ciidamada Kirishtanka Kenya.

Dagaalkii galabta wax lug ah kuma laheyn maleeshiyaadka Dabadhilifyada ah ee Kenya ka hoos shaqeeya, Inkastoo aysan wax war ah kasoo bixin taliska shabaabul Mujaahidiin hadane waxaa lafilayaa in maalinimada berri ah ay ka hadlaan dagaalka.

24-kii saacadood ee lasoo dhaafay Kenya waxaa ku dhacay dharbaaxooyin kulul oo looga dilay ciidan iyo gaadiid dagaalna looga gubay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...