Saturday 31 December 2011

Dowladda Itoobiya oo ka hadashay sababta ciidankeeda ugusoo duuleen Somaaliya.


Written by Administrator on .

somalimemo.netDowladda Itoobiya ayaa ka hadashay duulaanka ay ciidankeedu kusoo qaadeen dalka Soomaaliya iyo dagaaladii cuslaa ee maanta ka dhacay magaalada B/weyne ee wilaayada Hiiraan.

Afhayeenka xukuumadda Itoobiya Barakat Semon oo lahadlay wakaaladaha wararka reer galbeedka ayaa sheegay in Kumanaan ciidanka Itoobiya ah ay Jumcihii lasoo dhaafay ka gudbeen Feerfeer ayna xalay saq dhexe gaareen Kalabeyrka ilaa saaka aroortii hore ay dhowr jiho ka weerareen magaalada B/weyne ee Istiraatiijiga ah.

Dowladda Itoobiya oo cadaawad gaamurtay u heysa shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah waxaa ka go'an in ay dalka Soomaaliya ka dhigto maamul gobaleed dalka Itoobiya raacsan balse waxaa ka hortaagan geesiyaal Mabda' diimeed leh.

Barakat Semon wuxuu ku faanay in guutooyin ciidankiisa katirsan ay gelbiyeen boqolaal Maleeshiyaad Soomaali ah oo raacsan  Itoobiya isagoo u bixiyay "Ciidanka TFG".

Afhayeenka Itoobiya wuxuu hadalkiisa ku celceliyay "waxaa caawimaad naweydiisatay TFG", haddii sidaasi tahay Dowladda shariif madaxda ka yahay waxay dhan walba ka liidataa dowladii Cabdullaahi Yuusuf Madaxa ka ahaa ee dhamaadkii 2006-da dalka soo gelisay Itoobiya.

Qirashada Itoobiya ay qiratay in dagaalkii maanta B/weyne ka dhacay ay iyadu mas'uul ka tahay waxay dhabar jab ku tahay kuwa murtadiinta soomaalida ah ee warbaahinta ka Oranaya "Ciidanka Qaranka Somaaliyeed ayaa shabaab B/weyne ka saaray" waxayna taasi lamacna tahay in kuwaasi aan soo sheegnay ay isku weel wax ku cunaan waxna ku cabaan Amxaarada.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...