Saturday 31 December 2011

Koox ka Tirsan Jameecada Takfiir oo Ciidamada Puntland Shalay ka Qabteen Magaalada Boosaaso (Warbixin)

Share
Boosaaso (RBC) Koox ka tirsan jameecada Takfiir oo ku nool magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa maalintii labaad ku jira saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Boosaaso ka dib markii maalintii shalay ay xabsiga u taxaabeen ciidamada amaanka Boosaaso.
Dadka la qabtay ayaa gaaraya 60 nin waxaana laga soo qabtay masjid ku yaalla xaafada Raf iyo Raaxo oo lagu magacaabo Al-Ikhlaas xilli ay ku tukanayeen salaadii Jimcaha maalintii shalay.
Kooxda 60 nin ah ayaa illaa shalay lagu hayey saldhiga booliska ee xaafada Raf iyo Raaxo oo ay xalay ku hoydeen.
Warar ku dhow taliska ciidamada booliska ayaa sheegaya in xariga kooxdan ay ka dambeeyeen ka dib markii eedo ay u jeediyeen culimada magaalada Boosaaso oo sheegay in kooxdaasi ay wadaan dhibaatooyin dadka ka dhan ah.
Hase yeeshee taliska booliska iyo maamulka gobolka Bari ayaan illaa hadda ka hadlin xariga kooxdan Takfiirka loo geystay.  Waxaana xariga kooxdan aad looga hadalhayaa magaalada Boosaaso.
Jameecada Takfiirka ayaa masaajido gaar ah ku leh magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho halkasoo ay iyaga si gaar ah ugu tukadaan.
Hore culimada waaweyn ee Puntland ayaa ka qeylo dhaamisay kooxdan iyagoo ku tilmaamay inay wadaan qalaanqal dadka lagu hayo.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...