Thursday 29 December 2011

Kulan Maanta Dhexmaray Xildhibaanada Baarlamaanka KMG iyo Wakiilka Midowga Afrika (Warbixin)

Share
Muqdisho (RBC) Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay guddi ka socda xildhibaanada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ee dhowaan xilka ka qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Aboubakar Dyara.
Kulankan ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaana uu ka dambeeyey ka dib markii maanta magaalada Muqdisho uu booqasho ku yimid wakiilka Midowga Afrika oo doonayey inuu la kulmo mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Ilkadahab oo ah Hogaaamiya Guudiga Badbaadinta Qaranka ee Baarlamaanka oo kulankaasi ka qeybgalay ayaa Raxanreeb u sheegay in kulanka looga wada hadlay xaalada hadda ka taagan dalka gaar ahaan khilaafka ka dhex aloosan baarlamaanka.  Wuxuuna xildhibaanku sheegay in Wakiilka Midowga Afrika uu dhegeystay talooyin ku saabsan aabkii loo qabtay kulankii xilka looga qaaday Shariif Xasan 13-kii bishan Disembar.
“Anaga dhankeena waxaan cadeynay in kulankii 13-ka Disembar uu u dhacay hab dimuqraadi ah ayna tahay in lagu qanco, waana uu soo dhoweeyey Danjire Dyara” ayuu yiri Prof Ilkahadab oo galabta telefoonka ugu waramay Raxanreeb.
Xildhibaan Ilkadahab ayaa intaa ku daray inay warqad taageero ah oo ka timid Midowga Afrika ka heleen Danjire Aboubabar Dyara taasoo cadeyneysa in Midowga Afrika uu taageeray xilka qaadistii Shariif Xasan lagu sameeyey.
“Way soo dhoweeyeen xilka qaadistaasi,, wuxuuna danjire Dyara noo sheegay in kulamada baarlamaanka ay socdaan isla markaana uu shir gudoonka sii wado gudoomiye ku xigeenka 2aad Axmed Dhimbil Rooble Casawe maadaama ay xildhibaanada isaga codka siiyeen” ayuu yiri xildhibaan Ilkadahab oo kulanka maanta goob joog ka ahaa.
Xildhibaanka ayaa dhanka kale sheegay in dhankooda ay qabaayaan doorshada gudoonka baarlamaanka horaanta bisha Janaayo isagoo ku adkeystay inaysan waxba iska bedeli doonin.
Kulankan maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa noqonaya kii labaad ee dhexmara mudanayaasha baarlamaanka iyo wafdiga ka socda Midowga Afrika tan iyo intii xilka laga qaaday Shariif Xasan 13-kii bishan walow uu weli Shariif Xasan diidan yahay xilka qaadistaasi.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...