Tuesday 27 December 2011

Maanso: Duruufaha Bristol. UK





Mafrishkii Burde haystay
Bulaale uu ka gabyaayay
ayaan Badhar jaada ka qaatay
Rag bidaartru ku taallo
oo boqolkaas kor u dhaafay
oo badi aan garanaayo
oo bishimaha dibnahooda
Birahoo daxalaystay 
iyo baangad gaadhi la moodo
oo dhoolihii baxsanaa
ee baryo aad ku taqiinay
bari aanay ka muuqan
barta ay fadhiyaana
Baranbarooyin ordaayiyo
Jiir bakayle ka weyni
Bawdaadaas ka joogo
oo Buste baasha la gooyiyo
Barkimooyin dalooliyo
Bacdu ay garab taalo
ayaan bidixdaas ka fadhiistay

Haasaawe aan bud-dhigiisa
iyo barta uu ka arooro
iyo birmo geydo lahayn
Budul baa marinaayay
waxa uu ku bilaabay
berigii Lixdankii
Britishkii ina haystay
bedi waaban aqaanoo
peter baa u sarreeyay
Diyaarad aan bogga hoosiyo
beerka aan kuba duulin
oo baalashii laga gooyay
Pilot baan ka ahaa
Buurta buuro u dheeriyo
Baayo-munya waan kadegay (bayern munich)  
Baraasiil waan ku negaaday
Bayruutnawaan ka casheeyoo
beryo waaban ka heesay
Batalaale agtiisa
batroolkii la qodaayay
ee BB du ku daashay
birihii ka xumaaday
Paris baan uga doonay


Kaynta Baadku ku yaallo
iyo Burco duurray agteeda
Boqol geela ku raacay
Bahal loogaba waashay
Bunduq aanu lahayn baan
Bawdadaas kaga jiidoo
Biixi baa garanayaa

kolkii ay burburtay
ee badi ay kala guurtay
ee Baxrayn looga hayaamay
badahaan u badheedhoo
Bristol baan ku danbeeyay
Bal maxaa buuga ku yaal
ee Baruhu ii dhigayaa
anigoon Barqo toosin
Biro xooglana qaadin
Boqol baan iska helaayoo
Barjahaan ku cunaa

Isaalaantiisii intay gambadhkii ku fadhiday kor uga soo  booday oo ay tidhui Siddi Qabax ayay tidhi:

Badawyahow bugbugle
ee budka ii lulayaa
ma markii aan ba'ayay
ee bacda aan ku jiree
barkada aan ka cabaayee
boqol geela aad dhaqanaysay
ee baarka aad la baxaysay
ee baraarka aan celinaayay
ayaad badawoyahow ina mooday

sowtii ay burburtee
Boynta  kaba raacee (Boeing)
Bartan aan ku nagaadiyo
Bristol aan ku danbeeyay
adiga oon barqo toosin
biilna aan iba siininin
Boosta aan ka shaqayn
Basna aan wadahayn
Barafka aan jabinayay
hadii aad bugbugtaa
iyo buuqa aad damin maydo
oo aad buus i tidhaa
Barni may i xanbaarin
oo Biixi wuu iga dhaaraty
marka waagu bidhaamo
wixii aad barkanaysay
iyo Bustahaad huwanaysay
banaankaa uba tuuri
ee halkii aad ku ba'aday
ee barjaha aad kucunaysay
badawyahow u dhaqaaq
 
Waxaa tiriyay Abwaan Yusuf Cali Waraabe

Mahadsanidin

 
Kaysar Cabdilaahi
kaysar@europe.com
Bristol. UK

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...