Tuesday 27 December 2011

Qarax ay ku hoobteen ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo Kalabeyrka ka dhacay.


Written by Administrator on .
somalimemo.netWar hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax weyn lala eegtay Saldhig ay Isgoyska Kalabeyrka ku leeyihiin ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad Soomaali ah.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay goob ay ciidanka isku jirka ah ku sugnaayeen waxaana jira dhimasho iyo dhaawac saa'id ah oo soo gaaray ciidanka laweeraray.

Rasaas ayay afarta jiha u furanayaan waxaana goobta ka socda daad gureynta ciidankii dhaawacmay iyo kuwii dhintay,warar hordhac ah waxay sheegayaan in taliyihii ciidanka Itoobiya ee Kalabeyrka oo goobta ku dhintay.

Maleeshiyaad badan oo Soomaali ah ayaa iyana la sheegay in goobta ay ku toogteen ciidanka Itoobiya ee ka badbaaday qaraxa.

Waa Jab weyn oo soo gaaray ciidanka Itoobiya iyo maleeshiyaadka la socda marka loo eego sida ay usuura gashay in xeryihiin ay ku sugnaayeen weeraradu ugu tagaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...