Thursday 29 December 2011

Sawiradii xasuuqii degaanka Hosingow ee gobolka J/hoose ka geysteen Dayuuradaha dagaalka Kenya oo la soo bandhigay




Iyadoo weli ay socdaan Duulaamada Diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda Kenya ka wado qaar ka mid Gobolada Soomaaliya ayaa Kulan looga hadlayey Xasuuqii ka dhacay Tuuladda Hosingow ee Gobolka Jubadda Hoose ka dib markii Diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda Kenya ay halkaa ka geysteen Xasuuq aad u ba’an kaasoo ay ku dhitneen ilaa iyo laba Toban Ruux oo u badnaa Caruur iyo Haween waxaa ku dhaawacmey ilaa Soddon Qofood





Kulankaan oo ka dhacay Guriga yaala Magaaladda Muqdisho ayaa ugu horeyn waxaa halkaa lagu soo bandhigey Sawiradii dadkii ku waxyeeloobey Duqentaas taasoo ay si aad uga argagaxeen dadkii halkaa isugu yimid kuwaas oo qaarkood ay ka soo daadatey Ilmo maadaama dadka la duqeeyey ay ahaayeen dad Maras ah oo ka soo laabtey abaarihii ka dhacay Koofurta Soomaaliya
Waxaa kulankaan ka Hadley Deeq Cabdi Rayid , Suldaan Akhyaar Xaaji Carab , Yuusuf Maxamed Ducaale , Cabdiweli Nabhaan iyo Bashiir Axmed Shiikh (Bashiir Daacad) oo dhamaantood sheegey in Duqeyntii ka dhacdey Hosingow ay ahayd mid Xasuuq ah oo ay sheegeen in lagu laayeen dad Maatid ah oo aan waba galabsan kuwaas oo qaarkood ku Dhibaateysan Deegaankii la duqeeyey qaar kale weli Duurka weli ku jiraan



Odoyaasha klulanka isugu yimid ayaa waxay ugu baaqeen Dowlada Kenya in ay Magdhow ka bixiso xasuuqaas sidoo kale waxay ka codsadeen Dowladda Federaalka in ay baaritaan ku sameyso Xasuuqii ka dhacay Hosingow welibana Warqad u diraan Maxakamadda Aduunka si loo Maxkamadeeyo dadkii ka dambeeyey xasuuqaas oo ay sheegeen in ayn ahaayeen dad Maati ah oo markii horeba la dhibaateysnaa Abaarihii ka dhacay dalka
Odoyaasha ayaa waxay ugu baaqeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dibadaha gaar ahaan Jaaliyadda Beesha Shiikhaal in dadkaas la soo gaaraan gargaar deg deg ah maadaama qaarkood weli ku dhibaateysan yihiin Deegaankii lagu duqeeyey oo aan lahayn wax Isbitaal ah qaar kalena ay ku sugan yihiin magaaladda Kismaanyo sidoo kale Odoyaasha waxay sheegeen in qaar ka mid ah dadkaas ay u baahan yihiin in dibadaha lagu soo daaweeyo kuwaas oo ka dhaawacan meelo halis ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...