Thursday 29 December 2011

Tarzan iyo Shirkado Shisheeye oo Gaaleysiin Dadban ku haya dhalinyarada Muqdisho (Warbixin).


Written by Administrator on .
somalimemo.netTan iyo markii ay xarakada Shabaabul Mujaahidiin wax ka bedeshay qaab dagaaleedka magaalada Muqdisho bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay kuna beegneed Augst 2011 waxaa soo batay Mu'aamaraatka ay shirkadaha shisheeye Shaccabka u maleegayaan.

Shirkadaha shisheeye ee ku sugan Xerada Xalane waxay u istaageen sidii ay shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah diintooda uga saari lahaayeen ugu yaraana ay bulshada uga dhigi lahaayeen mid dhaqan doorsoontay oo lajaan qaadeysa bulshooyinka Bariga Afrika ee gaalada ah.

Ninka gudoomiyaha gobolka Banaadir ugu magacaaban DKMG ah iyo AMISOM ayaa dhawaan shaaciyay in ay magaalada ka bilaabayaan howllo dhaqanka looga bedelayo dhalinyarada.

"Shabaabku waxay dhalinyarada ku kasbadeen waa Jihaad waxa ugu yeereen in Janaad gelaysaan anagu waxaan wadnaa mashaariic horumarin ah sida in Fankii Somaaliyeed lasoo nooleeyo oo Dhalinyarada lagu dhiiri geliyo Banooni dheelidda Halkaan waa Liido Sedax sano ka hor ayaa Banooni lagu dheelo ugu dambeysay"ayuu yiri Tarzan.

Tarzan wuxuu mashruucan kasoo qaatay wadamada reer galbeedka, shirkado kale oo ku sugan Xerada Xalane ayaa iyana NGO-yo Soomaali ah qandaraas kusiiyay sidii ay wax uga bedeli lahaayeen dhalinyarada Muslimiinta.

Hay'adda Ashahaadda ladirirka CRD ayaa maalmahan gaadiid xamuul ah ku gureysa dhalinyarada iyadoo u sheegaysa in dhalinyaradu tegi karaan garoomada Kubadda cagta lagu dheelo.

Dhalinyara badan ayaa Turkiga loo qaaday kuwa kale Tartan loogu magac daray Is aragga dhalinyarada ayaa looga furay Muqdisho kuwa kale waxaa loo furay Siminaaro ku aadan wadanoolaashiyaha dadka Aduunka!!.

Hay'adahan Kufriga ah iyo Tarzan waxay dhawaan halaageen dhalinyaro ay khaldeen kadib markii ay gaadiid kusoo gureen kadibna shil ku galeen wadada Makka Almukarama waxaana halkaasi ku dhintay 14 dhalinyara ah oo dhaqankooda labedelay waxaa loo geliyo funaanado iyo dhar cowrada bananaka soo dhiga.
Kaliya waxaa u dhiman in ay Shaneemooyin waaweyn ka furaan magaalada oo ay Gabdhaha iyo Wiilasha is dhax fariisiyaan balse taasi suuragal uma ahan.

By Eng.Khaliif Muumin
Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...