Saturday 28 January 2012

Agaasimihii Idaacadda iyo TV-ga Shabeelle oo Muqdisho Lagu Dilay



Muqdisho, Jan.28, 2012 (WDN)-  Agaasimihii Warbaahinta Shabeele marxuum Xasan Cismaan Cabdi (fantastic) ayaa galabta ay koox baastoolado ku hubaysani ku dileen goob ku dhaw gurigiisa oo ku yaal xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, xilli uu shaqadiisa ka soo laabtay.

Dilka marxuumka ayaa la sheegayaa in ay fuliyeen laba nin oo bastoolado ku hubaysan iyadoo dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaalka Madiina isagoo ka dibna uu halkaas ku geeriyooday.

Ilaa hadda lama oga cidda falkan ka dambeysayn  iyadoo warar aanaan xaqiijin karin oo hadda soo baxayaa ay sheegayaan in idaacadda ku hadasha afka shabaabka ee lagu magacabo Andulus laga sheegay dilka marxuumkan ayna ku tilmaameen in uu ahaa nin diinta Alleh ka ridoobay.

Warar maalmihii ina soo dhaafay la faafiyay ayaa sheegay in Shabaabku ay hanjabaad u soo direen Warbaahinta Shabeele, isla markaana iyagoo xayiraad ku soo rogay in dadka ku nool ceelasha biyaha oo ay ka taliyaan laga dhegaysto idaacadda Shabeelle.

Inta badan dilalka qorshaysan ee noocan oo kale ayaa ah kuwa ay fuliyaan kooxda diinta ku adeegata ee Al Shabaab oo iydu dhibaatooyin badan ku haysa guud ahaanba shacabka
Soomaaliyeed.

Wadanka Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada adduunkka dhibaatooyinka ugu badan loogu geysto saxafiyiinta iyadoo hore saxafiyiin badan loogu dilay gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Bahda WardheerNews waxay canbaaraynayaan dilkaas arxan darrada ah ee loo geystay Xasan Cismaan Cabdi (Fantastic), waxayna ka tacsiyaynayaan qoyskiisii iyo guud ahaanba bahda saxaafadda ee uu ka baxay.

WardheerNews

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...