Sunday 29 January 2012

Boqolaal ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay ilaa saaka ka soo gudbay degmada Doolow kuna soo wajahan Bay iyo Bakool




Wararka ka imaanaya degmada Doolow ayaa waxay sheegayaan in ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ay shalay ilaa xalay ka soo gudbeen Buundo isku xirta labada Dolow ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaasoo la sheegay inay ku soo wajahanyihiin dhanka gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya.
Sida warku sheegayo ciidamadan ayaan la ogeyn halka ay ku wajahan yihiin, hase ahaatee waxaa la sheegay in loo maleynayo inay ku socdaan deegaano ka tirsan gobolada koofureed ee Soomaaliya, halkaas oo uu ka socdo dagaalo u dheexeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo ay taageerayaan ciidamo ka kala socda Itoobiya iyo Kenya oo dhinac ah iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in ciidamadan Itoobiyaanka ah intii ay ka gudbayeen buundada doolow waxaa guud ahaan la xanibay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo midka ganacsiga ee degmada Dooloow Gedo Soomaaliya, waxaana gaaf wareegaya gudaha Dolow Soomaaliya ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u fara badan iyo diyaaradaha dagaalka dalalka Itoobiya oo kor ka ilaalinayay ciidamada Itoobiyaanka ah ee ka soo gudbay buundada degmada Doolow.
Qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa degmada doowlow Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay yihiin kuwii ugu badnaa ee dhawaanahan ka soo gudba xadka kala qeybiya dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna sheegeen in warar hoose oo ay heleen ay sheegayeen in ciidamadaasi ay ku wajahanyihiin gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Bay iyo Bakool.

Ilaa iyo hadda rasmi aha looma oga halka ay kuwa wajahan yihiin ciidamada Itoobiya, sidoo kalena lama oga tirada ciidamadaasi, waxayna soo gudbitaankoodu ku soo aadaysaa iyadoo shalay Wasiirka arimaha dibeda ee xukuumada Itoobiya Xeyle Mariam desilne uu shaaca ka qaaday in ciidamada dalkaas ay dhowaan weerari doonaan magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo hadda ay gacanta ku heyso Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta dalka Somalia.
Isagoo la hadlayey wakaalada wararka ee REUTERS ayaa wasiirka arimaha dibeda ee dalka Itoobiya waxaa uu intaa ku daray in magaalada Baydhabo ay ka mid tahay meelaha ay sida weyn ugu xoogan tahay Al-shabaab fariisin iyo mariin muhiim ahna u ah kooxdaas iyo dagaalyahanada ajaaniibta ah ee ka garab dagaalama.
Sanadkii 2006-dii ayey aheyd markii ay ciidamada Itoobiya kuwoodii ugu badnaa ee abid la arko si xoog ah ku sii galeen gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo taageerayey markaasi dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, kuwaas oo dagaal xoogan oo dhiig badani uu ku daatay la galay Midowgii Maxkamadaha Islaamka iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashana, taas oo keentay in aaqirkii ay ciidamada Itoobiya dalka Soomaaliya isaga baxaan sanadkii 2009-kii.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...