Monday 30 January 2012

Cabdi Tahliil Oo Muqdisho Lagu Dhaawacay


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Monday, 30 January 2012 19:52

Iska hor imaad u dhexeeyey Ciidamo ka wada tirsan Dowladda KMG Soomaaliya oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Ex-fiyoore Degmada Wardhiigleey ee gobolka Banaadir.


Wariyeheenna Nuur Shariif Shaacir oo ku sugan nawaaxiga halka uu iska hor imaadku ka dhacay ayaa waxa uu soo sheegayaa in iska hor imaadkaasi uu u dhexeeyey Ciidmo ka wada tirsan Dowladda KMG Soomaaliya uuna ku dhaawacmay Fanaanka weyn ee Cabdi Tahliil Warsame.


Waxa uuna iska hor’imaadku ka dambeeyey kaddib markii ismaandhaaf uu soo kala dhex Ciidamada israsaaseeyey kaa oo ku qotomay is qab qabsi dhanka guriyaha ah kaddib markii Dowladda KMG Soomaaliya ay shaacisay in laga boxo guryaha Dowladda.


hal ruux ayaa geeriyooday oo ka mid ahaa Askarta israsaaseyntu dhexmartay waxaana uu dhaawac fudud ka soo gaaray Fanaanka weyn ee Cabdi Tahliil Warsame.


Fanaanka ayaa xilliga uu dhaawacmayey waxa uu ku sugnaa sida wararku ay sheegayaan meel aan ka gogeyn goobta israsaaseyntu ka dhacday ee Ex-fiyoore oo ah goob hooy u ah Fanaaniin iyo abwaaniin ka tirsan Hobolada kala duwa ee Soomaaliyeed.


Durba diiba waxaa goobta soo gaaray masuuliyiin iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidamada booliska Gobolka Banaadir Maxamed Xasan Maalin waxa ayna kala dhex galeen Ciidankii israsaaseyey.


Xaaladda ayaa haatan waxa ay tahay mid deggan waxaana caadi ku soo laabtay isku socodka dadka iyo ganacsiga oo intii israsaaseyntu socotay hakad galay balse durbadiiba dib u bilowday Xaaladduna haatan waa mid hagaagsan.

Badweyn+Shjacabkamedia

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

Email:Shacabkamedia@live.com

1 comment:

Anonymous said...

You actually make it seem really easy with your presentation but I find this topic to be actually
something which I think I would never understand.
It seems too complex and extremely huge for me.
I am looking ahead for your next submit, I'll attempt to get the grasp of it!

Also visit my web blog; patio doors

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...