Saturday 28 January 2012

Dilka Fantastic...dhacdo waano ugu filan dhalinyarada Shabelle.


Written by Administrator on .
amiirnuur.comMa ahayn wax aan la yaabay markii uu isoo gaaray warka sheegaya dilka lagula kacay Xasan Fantastic oo ku magacaabnaa Agaasimaha Idaacadda Shabelle, kaasi oo Muqdisho ay galabta ku dileen rag hubeysan oo hadana la sheegayo in ay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen ee degmada Wadajir.

Inkastoo dadka ka masuulka ah falka dilkaasi ay yihiin kuwo aan la ogeyn oo cid sheegi kartaa aaney jirin, waxey Shabelle iyo dadka oo dhan dhex dabaalanayaan jawwi mala-awaal iyo fara ku fiiq ah oo ku aadan dhinaca ka masuulka noqon kara falka dilka ah ee dhacay.

Haddaba aniga oo jecel sida cunwaanka maqaalka aan ka dhigay in dhacdada dilkaan aan fariin uga jeediyo dhalinyarada Shabelle, ayaa hadana waxaan ra'yigeyga ka dhiibanayaan mala-awaalkaasi iyo fara ku fiiqidda dadka loo maleyn karo in ay ka danbeyn karaan dilka Fantastic, ama arrimaha la is dhihi karo wuu sababsaday.

Maalinta xaqiiqda la soo helana, warkaan wuxuu noqon doonaa mala-awaal, waxaana cadaan doona dhinicii dilka ka masuulka ahaa, waxaana leeyahay Allaha u naxariisto qof kasta ee xaq darro lagu dilo.

Haddaba si aan u soo koobno dadka lagu eedeyn karo dilkan waxaan eegeynaa dhinacyada guud ahaan si muuqata hub ugu heysta gudaha dalka, isla markaana guluf hubeysan oo toos u muuqda ku jira.

Waxaana ay kala yihiin:-

1-DKMG
2-AMISOM
3-Mujaahidiinta
4-Mushrikiinta
5-Hogaamiye kooxeedyo
6-Laamaha Shirkadaha cadaanka ah
7-Burcad Badeeda
8-Kuwo kale oo saameyn weyn aan laheyn.

Xeerka baaritaanka ayaa waxaa lagu sheegaa in uu yahay tuhmada oo la ballaariyo si loo taabto ugu yaraan gacan ku dhiiglaha, xittaa haddii aan toos looga dhex soocin dadka lagu dhex magacaabay, maadaama la tuhmi karo.

Kadib waxaan ku dhaqaaqeynaa in aan kala furfurno dhinacyadaasi oo eegno suuragalnimada ku lug lahaanshiyahooda dilkaasi.

1-Dowladda KMG ah

Ugu horeyn halka falka dilka ahi uu ka dhacay waxaa maamusha DKMG ah, sidaasi darteed aan dhankooda ku hormarno iyadoona la ogyahay in dhinacyo kale oo hubeysan sida Mujaahidiinta ama AMISOM ay wax ku dili karaan deegaanadaasi!

Idaacadda Shabelle waxey muddooyinkii u danbeeyay dagaal aan ganbasho laheyn kula jirtay DKMG ah, waxaana dagaalkeedu uu u qeybsanaa sida soo socota:
Dhanka Hogaanka Sare: Idaacadda Shabelle waxaa ay si weyn masuul kaga ahayd hurinta khilaafaadkii ka dhexeeyay hogaanka sare ee DKMG ah, gaar ahaan Shariif Xasan iyo Shariif Axmed, ilaa markii danbe dhexdooda heshiis la dhigay.

Waxaa ay Idaacadda Shabelle si toos ah u garab siineysay Sharif Axmed, iyadoona dad badan oo Somali ah ay ku tuhmeen xulufeysi beeleed, maadaama milkiilaha Shabelle iyo Shariif ay qabiil guud kor ka wadaagaan.

Dhanka Baarlamanka: Waxey Idaacadda Shabelle gundhig u aheyd khilaafkii ugu ballaarnaa ee ka dhex qarxay Baarlamanka KMG ah, tan iyo markii la soo sameeyay, taasi oo keentay todobaadyo ka hor in xilkii laga qaado Shariif Xasan oo hadana mid cusub la magacaabo.

Shabelle waxey ka dhigneyd jihada ugu weyn ee socodsiineysay rabitaanka Baarlamaaniyiinta diidan Shariif Xasan, iyadoona Mikarafoonkeeda si gaar ah u siisay xildhibaanadaasi, oo hadana buun buunisay ololahooda, waxaana si bareer ah oo khilaafsan xitaa xeerarka saxaafadda ay isu garab taageen dhinac siyaasadeed iyagoo dhinac kale ka soo horjeeda, taasi oo noqon kareysa xeer ahaan wax lagu qabsan karo.
Idaacadda Shabelle waxay meel sare gaariisay doodda Baarlamanka iyo sharci ahaanshiyaha Madoobe Nuunow, ilaa markii danbe guddiga Amaanka Qaranka kuwa sheegta ee DKMG ah ay soo saaraan hadal lagu diidayo go'aankaasi, balse Shabelle si geesinimo leh ayay ugu gacan seyrtay go'aankaasi.

Shir ay qaateen maamulka iyo shaqaalaha Shabelle waxay isku raaceen guddoomiyaha Baarlamanka in ay ugu yeeraan Madoobe Nuunow, Shariif Xasanna ay ugu yeeraan gudoomiyihi hore, arrinkaasi kaligood ayaa ku ahaa marka loo eego saxaafadda gudaha iyo dibadda ee Somalida.

Waxaa sidoo kale tallaabo xaalka sii murjisay ka dhignaa si toos ah in ay u soo tabinayeen doorashadii Madoobe Nuunow, iyagoona ka dib ra'yi isku mid ah ka soo uruuriyay dadweyne kooban, waxayna ku sheegeen dadka Muqdisho oo soo dhaweynaya doorashada Madoobe, arrinkan xeerka saxaafadda wuxuu ku yahay been abuur iyo sameysasho, maadaama laga wada dharagsan yahan ra'yiyo iska soo horjeeda dadka Muqdisho in ay ka qabeen arrinkaasi oo aaney jirin in dadka oo idil ay isku raacsanaayeen.

Dhanka Dekadda Muqdisho: Todobaad ka hor waxay hadana Shabelle markii ay ka baxday dagaalki Baarlamanka ay hadana ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah maamulka dekadda Muqdisho, iyadoona mikarafoonkeeda siisay xildhibaano iyo xubno dekadda ka shaqeeya oo jeedinaya eed ku aadan lacago la lunsaday!

Siyaasiyiinta dhankooda tuhumada ay ugu neceb yihiin ayaa ah in lagu eedeeyo lacag lunsasho iyo musuqmaasuq!, laakin Shabelle si qamaar ah ayay u sii waday dagaalkeeda iyadoona ka gudbeysa mar kale xeerarka saxaafadda ee ay aqoonsan yihiin.

Waxey isku dayday in madaxda DKMG ah ay ku cadaadiso hadal in ay ka soo saaraan howsha si arrintu u murugto, waxeyna u muuqatay mid guluf maxkamadeyn oo kale ah ku raadineysa maamulka dekadda ee la eedeeyay, ama si gaar ahaaneed shaqsiyaadkeeda la magacaabay.

Dagaalkeedaasi ilaa hadda wuu socday, mana istaagin.

2-AMISOM: 

Kuwaani waa calooshood u shaqeystayaal dhagool ah, oo u cadyahay mushaarkooda iyo la dagaalanka Mujaahidiinta, mana badna in la helo xogo sheegaya ku lug lahaanshiyahooda falalkan oo kale.

3-Mujaahidiinta: 

Dhanka Mujaahidiinta waxaa la dhihi karaa Shabelle in ay gashay eedo loo qabsan karo, oo dad badan oo Muslimiin ah ay ku naceen, kuwaasi oo ay ugu horeeyaan, garab istaaggooda cadwga Mujaahidiinta iyo dhex dhexaadnimadii ay sheegan jireen oo ay ka weecdeen.

Muddooyinkii danbana waxayba toos dhalinyarada ka shaqeysa Shabelle u weerarayeen Mujaahidiinta, waxaana la xusuustaa in gudoomiyahooda C/Maalik uu ka sheegay TV-ga Somali Channel in ay u aaminsan yihiin Mujaahidiinta dad fowdo ah oo ka dhan ah nabadda, arrinkaasi oo meel ka dhac weyn u ah hey'ad saxaafadeed haddiiba dhex dhexaad ay sheeganeyso.

Shabelle waxey ku furtay Mujaahidiinta dacaayado badan oo u muuqday kuwo agaasiman, laga soo bilaabo qalqal gelinta deegaanada ay maamulaan Mujaahidiinta iyo abuurashada warar aan jirin, sida dad madax go'an oo meel la soo dhigay, khilaaf jira, iyo waxyaabo kale.

Sidoo kale ma qarsoona in dad badan oo taageerayaasha Mujaahidinta ay ku farxeen dilka agaasimaha markii ay maqleen, sababo ku aadan aaminsanaantooda in Shabelle ay dagaal kula jirtay Mujaahidinta.

4-Shirkadaha Cadaanka ah: 

Kuwaan waa laga yaabaa in ay ku dhaqaaqaan agaasinka dilalkan oo kale, mar waliba waa adag tahay in dadku fahmaan ulajeedka howlahooda, waxay mar waliba adeegsadaan hababka ay isu dilaan dadka iska soo horjeeda, si ay u huriyaan colaad ama ay dano kale u gaaraan.

4-ta kale ee soo haray marka laga reebo Burcad badeeda,  iyagu waxaa adeegsan kara dhinac ka mid ah 4-ta aan ka faalloonay, badanaa waa adeegayaal, waana yar tahay in ajandahoodu ku riixo falkaan oo kale, waxaa hadana in la xuso mudan in 4-taas ay si uga madax fiiqnaan karaan kuwa Mushrikiinta oo hore u jirdilay wariyeyaal ka tirsan Shabelle, xabsigana u taxaabay wakiilkooda Galgaduud.

Waxey ila tahay aragtideyda in aqristayaasha aan u soo dhaweeyay dadka lagu tuhmi karo falkaasi, waxaana ra'yigeyga u badinayaa shaqsi ahaan, dhanka DKMG ah in dilkaasi ka masuul tahay, gaar ahaan kuwa Dekadda!, balse Xaqiiqda Alle baa naga og.

Talo ku socota dhalinyarada Shabelle:

Waxaa igu maqaala ah in doorashooyin ay sameeyaan mar waliba si loo doorto qofka masuulka ka noqonaya Shabelle, waxaana sidoo kale igu maqaala ah in hadda shaqaalaha qaar ay dareensan yihiin khatarta ay ku holwgalayaan.

Waxaan dareensiinayaa dhalinyaradaasi in laga dhigtay (Human Shield), ama dad rasaasta la isaga dhigo, sababtoo ah waxey naftooda ugu qamaaranayaan ulajeedooyin aaney garaneyn, balse hal ruux ayaa garanaya ujeedooyinkaasi, waana qofka iska leh Shabakadda Shabelle.

Siyaasadda uu doono waa la weeraraa, midda uu doonana waa la amaanaa!, laakin yaa u qoolan dhibaatada ka timaada arrinkaas? waa shaqaalaha Shabelle.

Ma is weydiiyeen wali dhalinyaradaasi muxuu maamulkoodu ku doortay in uu u adeegsado marna la dagaalanka DKMG ah, marna la dagaalanka Mujaahidiinta, mar kalena la dagaalanka siyaasiyiin iyo arrimo kale? maxaa ka dhigay saxafiga ka shaqeeya Shabelle qof u takaneysan arrin ka weyn oo aan marna quseynin?

Dadka isku haya siyaasadda dalka nin waliba gabbaad ayuu ku jiraa, Shariif-na baabuurta gaashaaman ee AMISOM iyo madaxtooyada kama soo baxo, ciidamada AMISOM-na jaakadda rasaasta ayay wataan, Mujaahidiinta Al-Shabaab-na madaxdoodu waa ka dhuunteen indhaha Caalamka, askartooduna way iska qariyaan cadowgooda!

Haddaba dhalinyarada Shabelle sow lama gudbooneyn ama in ay dagaalka toos u galaan iyagoo iska qiimeynaya dan ma u yahay mise? ama ay doortaan wadada nabadgalyada oo ay noloshoodana si kale ku maareeyaan! maxaa ugu horeyn loo dilay Agaasimaha Shabelle iyadoo la ogyahay in ay joogaan agaasimayaal kale oo ka magacdheer, madaxna ka ah Idaacado kale?

Yaa ka masuul ah maanta dhiigga Fantastic?, ma DKMG? ma Al-Shabaab? ma C/Maalik? yaa loo heystaa? waa naf meel cidla ah ku tagtay, oo dadkeedii ka baxday iyo kuwii jeclaa oo kaliya, DKMG ah iyo Alshabaab-na masuul kama ahan sababta, ee waxaa gallaaftay siyaasadda ay ku shaqeyso Shabelle.

Waxey shabelle dadka bartay..Ma la liibanayaasha lagu liibaano..iyagoo tilmaamaya Mooryaanta...

Balse maanta waxaa la dhihi karaa shaqaalaha Shabelle....is-halligayaasha lagu macaashka raadsado...

Waxaan kula talinayaan dhalinyarada Shabelle in ay mowqifkooda dib u eegaan oo ay ka joogsadaan colaadda ay kula jiraan dadka hubka wata, ka dibna ay go'aan ka gaaraan mustaqbalkooda.

Eng:Khaliif Muumin

E-mail: khalifmumin@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...