Monday 30 January 2012

Dowladda KMG Ah Oo Sheegtay In 4 Ruux Loo Qabatay Dilka Agaasimihii Shabeelle




Share




Meydka Agaasimihii Shabeelle oo lagu aasayo
Meydka Agaasimihii Shabeelle oo lagu aasayo qabuuraha Bagdaad deeganka Jaziira


Muqdisho (RBC) Dowladda KMG ah soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay afar qof oo loo maleenaayo in ay ka dambeeyeen dilka agaasimhii Shabeelle Xasan Cusmaan Cabdi oo labi maalin ka hor lagu dilay magaalada Muqdisho.
Taliyaha Nabad galyada Waxaada Xaawo-Taako ee degmada wadajir Xuseen Cumar Sabriye (Shandaqiiqo) ayaa sheegay in ay qabteen rag loo maleenaayo in ay ka dambyeeyeen dilka Fantastic.
Shandaqiiqo oo la hadlaayay mid ka mid ah Idaacaddaha maxaliga ee ku yaala Muqdisho ayaa tilmaamay afarta qof ee la qabtay in ay yihiin kuwii ka dambeeyay allaha u naxariistee agaasimihii Shabelle.
Wuxuu intaa ku daray raga la qabtay labo ka mid ah in ay qirteen in ay ka dambeeyeen dilka Xasan labada kalena ay ku socdaan baaritaano.
Mar la weydiiyay ragan sida lagu soo qabtay wuxuu yiri “Waxaan ku qabanay meel ku dhow guriga uu daganaa agaasimihii shabeelle, xittaa waxa la soo qabtay labo ka mid ah iyagoo watay hubka ay dilka ku geesteen, waxa ay ay ahaayeen rag ku cusub xaafada lagu dilay marxuum Xasan”
Wuxuu kaloo uu sheegay ragan in ay ku xiran yihiin saldhiga wadajir, dhawaan maxkamad ayaa la soo tagaayaa ayuu yiri Taliyaha Nabad galyada Waxaada Xaawo-Taako.
Ugu dambeen wuxuu sheegay bandow in lagu soo ragay xaafada dilka uu ka dhacay iyo xaafadaha ku dhow ilaa inta laga soo qabaano dadka dilka geestay.
Si kastaba ha ahaatee, dilka agaasimihii Shabeelle ayaa waxa cambaareeyay dhamaan qeybaha bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan shirka 18-aad ee hoggaamiyaasha midowga Africa uga socda magaalada Addis Ababa  ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in uu cambaareenaayo dilka agaasimhii Idaacadda Shabeelle isagoona sheegay dilkiisa in uu yahay mid arxandaro ah.
Madaxweyne ayaa ku eedeeyay dilka agaasimihii Shabeelle ururka Al-Shabaab ee dowladda la dagaamaysa, isagoona sheegay ciidamada Pooliska in ay wadaan baaritaano ku aadan siddoo loo soo qaban dadkii ka dambeeyay dilka Xasan Fantastic.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...