Monday 30 January 2012

Intaanad Shirka Taleex Ka Hadal Ee Aanad Awdalstate Ka Hadal Horta Somaliland Ma Xaq-Bursi Ayey Ku Dhisantahay Mise Sad-bursi Qallinkii Maxamed Diridhaba


January 12, 2012
Halbeegnews – Waxaa Dhegahayga muddaba ku soo dhacayey weedho aan layaab igu ahayn, indhahayguna waxa ay arkayeen xayndaabyo iyo kulanno aan mugga  aragtiyda ku cusbayn, dood lafa-gurista maankayga iyo la-faqa garaadkayguna wuxuu i siinayey uun dhawr masalo oo aan hore u aaminsana, akhristow weligay intaan qallinka dhumucadiisa wax ku qorayey dhawr waxyaaboodba waan ka dhawra waxaa ka mid ah  taabashada cirdiga qabyaaladda (Triblistic roots) iyo inaan Somaliland dheef iyo dhiigba wixii loo soo huray aan godob dhaliilo.
Hayeeshe qallinkaygu maanta labadaba waa masuugay waxaan maqlaya dhawaaqyo dhaadheer oo aan dheehasho lahayn, waxaan arkaya sawiro aan mug badnayn oo dhaliishu ka buuxdo.
aan u dago dulucda qoraalka eh Waxaa todobaadkani oo dhanba warbahinta maxaliga ah ee Somaliland ku arkaayey shir ka socda deegaanka Taleex oo aynu jiif iyo joogba xamili waynay qaab socodkiisa, Bal waxaan doonaya intaad iska dayso Taleex waxaa ka socda, isla markaana aynu eegno waxaa sabab u ah Arrinta Taleex tii ka horaysay ee SSC loogu magac darray tii u dhexaysay ee Awdalstate
Waxaan raba inaan Sawir ku tuso oo aad marka ila eegto Somaliland inay cadaalad ku dhisantahay iyo inaanay ku dhisnayn ka hor intaynaan u gelin beel cabatay, shirtay, ama meel ku go’doontay,  waxaan sawir guud idinka siin doona qaabka Qarrankeenu ku dhisanyahay ee aynu doonayno inaynu ku noqono qarran madax bannaan oo la aqoonsanyahay, waxaan ku bilaabi doona Hogaanka dalka iyo saami qaybsiga.
Hogaanka Sare Ee Qarranka iyo Qaabka Saami Qaybsiga Beelaha/Gobolada Somaliland
1. Madaxweynahii Somaliland: Beesha Dhexe
2. Guddoomiyaha Golaha Guurtida Beesha Dhexe
3. Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Beesha Dhexe
4. Guddoomiyahii Maxkamadda Sare Beesha Dhexe
5. Guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee golaha Wakiiladda Beesha Dhexe
6. Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qarranka Beesha Dhexe
7. Guddoomiyaha Baanka Dhexe Beesha Dhexe
8. Hanti-dhawraha guud ee Qarranka Beesha Dhexe
Mudanayaasha Golaha Wakiiladda
55 Mudane Beesha Dhexe
27 Mudane Beelaha Hareeraha
Golaha Guurtida
45 Mudane Beesha Dhexe
37 Mudane Beelaha Hareeraha

Guddida Sare Ee Garsoorka Qarranka

5 Garsoore Beesha Dhexe
2 Garsoore Beelaha Hareeraha
Koomiishanka Doorashooyinka Qarranka
5 Xubnood Beesha Dhexe
2 Xubnood Beelaha Hareeraha
Golaha Wasaaradda
Golaha Wasiiraddu waxay ka koobanyahiin guud  ahaan 23 Wasaaradadood bal u fiirso sida Madaxweynahii dalku u qaybiyey
Beesha Dhexe Wasiiradooda
1. Wasiirka Arrimaha Gudaha
2. Wasiirka Arrimaha Dibadda
3. Wasiirka Cadaaladda
4. Wasiirka Maaliyadda
5. Wasiirka Madaxtooyada
6 Wasiirka Isgaadhsiinta
7 Wasiirka Macdanta iyo Biyaha
8. Wasiirka Qorshaynta Qarranka
9 Wasiirka Waxbarashada
10 Wasiirka  shaqada iyo Qoyska
11. Wasiirka Kalluumaysiga
12. Wasiirka Xannaanada Xoolaha
13. Wasiirka Duulista Hawada
14. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
15. Wasiirka Caafimaadka
Beelaha Darafyada Xubnaha Ugu Jira Xukuumadda Somaliland Hadda
·      Madaxweyne Ku xigeenka

1. Wasiirka Gaashandhiga
2. Wasiirka Warfaafinta
3. Wasiirka Ganacsiga
4.Wasiirka Beeraha
5. Wasiirka Cayaaraha
6. Wasiirka Hawlaha Guud
7. Wasiirka Dibu-dejinta
8. Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda
Haayaddaha Dawladda
Haayadaha Dawladdu waxay ka koobanyahiin 21 Haayadood 17 Haayadood waxaa Agaasimayaal u ah Beesha Dhexe, 3-na waxaa Agaasimayaal u ah beesha darafyada.
Taliyayaasha Ciidamadda Qaybahooda
Taliyaha Ciidanka Booliiska Beesha Dhexe
Taliyaha Ciidanka Qarranka Beesha Dhexe
Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Beesha Dhexe
Taliyaha Ciidanka Danbi Baadhista Beesha Dhexe
Taliyaha Ciidanka Asluubta Beelaha Darafyada
Wakiiladda Somaliland U Jooga Dalalka Dibadda
Safiiradda Somaliland dibadda u fadhiya guud ahaan waa 5 Wakiil waa inta ku jirta liiska mushaharka dawladda  (government payrol list), waxaana ay kala yahiin dalalka ay kala joogaan
1. UK
2. Ethiopia
3. Kenya
4. USA
5. Djibouti
dhammaantoodna shanta wakiilba waxay ka soo jeedaan beesha dhexe.
Agaasimayaasha Wasaaradaha Dawladda
Agaasimayaasha heer qarran ee Wasaaradaha dawladdu waa ugu yaraan 24 Agaasime 16 ayaa beesha dhexe ah 10-ka kalana waa beelaha Hareeraha.
Axsaabta Qarranka iyo Ururada Siyaasadda Cusub Ee La Diiwan-geliyey Saamigooda
Sida laga war-qabo waxaa dhawaan dib loo furay ururaddii siyaasadda dalka 13 Urur siyaasadeed oo marka lagu darro 3-dii hore ee jiray isku noqonaya 16-toban urur siyaasadeed ayaa 14-ka mid ah waxaa hogaaminaya siyaasiyiinta beelaha dhexe, qaab-darrada ka sii liidata waxay tahay waxaad moodo inay dastuurka ku qorantahay  waxaa la iska samaystay qaaciido odhanaysa  haddii Beesha dhexe Madaxweyne musharax u noqoto ku xigeenkuna waa inuu noqda Gobolka Awdal yaa caqligaa inoo keenay ma la isweydiiyey.
Dimuqraadiyadii Somaliland ku dhaadanaysay 16kii Bugcad siyaasadeed ee dalka 14-ka mid ah ayaa hogaamiyayaashooda iyo dadka unkay ka soo jeedaan beelaha dhexe waa maxay dimuqraadiyadda noocaas ahi, waxaa ku muuqanaysa in beelaha darafyadu aanay niyad u haynin una arkaan in Somaliland laga leeyahay maxaa la isku weydiin waayey, maxaa haayadaha dalka uga samayn waayeen arrintani daraasad. (Political inclusive Research)
Intaasi waa intaan koobay waxaa ka darran haayadahii aan dawliga ahayn,la taliyayaashii Madaxtooyada oo tiro beelay oo qaarkood iyagoo dibadda jooga xil hayaan,  waxaan ka reebay Telefishankii Qarranka (Qosol!!!) oo inta la xishoon waayey maamulkiisii dalka dibadda looga soo saaray ayaa Saami lagu qaybiyey ha laguba qaybiyee waa wada beesha dhexe,  isku darka guud ee saami-qaybsiga qarranka %91 ayaa Beesha dhexe Somaliland oo dhan haysata halka beelaha darafyada oo dhan ay haystaan %9.7  halka inta soo hadhayna ay tahay beelaha la dega beesha dhexe weliba.
Xalku Muxuu Yahay
Caqliga saliimka ahi wuxuu ku tusaya inaan cadaaladi halkaasi oolin, maxaad uga cadhoonaysa in aad aragto maalin walba Shir beelaha darafyadu qabsanayaan iyo inay ku dhawaqayaan inaanay Somaliland waxba ku lahayn waa runtood anigu waan u garaaba waanan ayidsanahay, ninkayga sidan u hadlaya malaha dad badani waxay moodi doonaan inaan ka soo jeedo Beelaha darafyada waxaan ka soo jeeda beesha dhexe hayeeshe haddii aynu doonayno inaynu Somaliland saxno waa inaynu gudaha ka bilawno oo inagu saxno oo toosino oo adeer caqli ayuu ilaahay ina siiyaye ku xisaabtano sidee dadku iskaga wada dhex arki karaan haykalkii qaranimo.
Dadkiina qaarba ku doodi doona waa dimuqraadiyad in miisaanka iyo tallada dalka lagu kala bata , Qaab dhismeedkii (National Plan Structurekii) hore ee Somaliland loo sameeyey markii la qoondaynaayey saamiga gobolada Awdal waxaa la siiyey 13 mudane oo Naitonal ah, Sool oo dhawr degmo oo beesha dhexe degta ka go’antahayna malaha 6 Mudane National ah, inta kalana waxaa lagu keenay (Cap) xubno aan lagu tartamin adeer siduu ku yimid qaab dhismeedkaasi caqligu siduu u qaadan kara.
Gobolada Awdal, Sallal, Sanaag Berri, Sool iyo Buhoodle dee adeer dadba dega oo leh haddii ay Somaliland noqonayaana waxay ku noqonayaan wax cadaalad ah oo lagu heshiiyey haddii ay ku diiddana cadaaladda darradda ayey diideen, anigu Somalilander ayaan ahay Somaliland waan jecelahay wixii dhib u keenayana ma jecli nin iga jeclna inuu jiraba iskuma haysto hayeeshe  waxaase fiican inaynu runta isku sheegno waxaan anigu ku tallin lahaa ha lagu noqdo qaab dhismeedkii qarranka,  Structure-kii dalka isla markaana beelaha walaalaheen ah ha la qanciyo oo cid ay iyagu doonayaan oo raali ka yahiin oo matali karta oo masiirkooda goyn karta ha u noqdeen masuuliyiin mid ay ku go’naydo kolba xil loogu dhiibo adeer caqli noqon mayso.
Aniguba waan jecelahay inaynu hello maalin toban walaalo ah oo hooyo iyo Aabo wada dhaleen ay Somaliland ka wada talinaya  oo ay noqoto yaa wax u qaban kara ee la aamina,  hayeeshe duruufta dhaqan dhaqaale, dhaqan bulsho, dhaqan siyaasadeed iyo dhaqan beeleed ee dalkeena taalla maanta waxaynu kaga bixi kara inagoo isku duuban oo Somaliland ay noqoto muraayad si siman oo cadaalad ah looga wada muuqdo.
Gobol kasta iyo beel kasta iyo dego kastaaba waa inay qarranka si hoose iyo si sare uga wada muuqato iyadoo aan loo kala badnayn sidaasay Somaliland ku midho dhali karta, haddii kale shirar ayaad maanta arkaysaaye wax ka sii darran ayaad arki doonta, sideed ku kasban karta walaalkaaga darafyada markaad %91 aad tidhi aniguunba Somaliland maala oo la iiga danbeeya.
N.B
intiina malaha aan weedho-qormeedyadayda aan fahmin halkanaan doonaya inaan idiinku sharaxo weedhaha qaarkood waxaan uga jeedo
Beesha Dhexe Maxaa Looga Jeedo Macno Ahaan (Waa Beesha Isaaq)
Beelaha Darafyada Maxaa Looga Jeeda (Beelaha Samaroon, Dhulbahante, Wersengeli, Ciise, Ugaaslabe  iyo Fiqishini)
Waxaan kaga baxaya xikmaddii Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye
-Dharaar baa iman doonta
hadaan Eebahay ceymin
afku uu hadal daayo
-Dharaar baa iman doonta
dab munaafaq istaadhay
sidii aayar gubtaa
ama duur olol taabtay
arligoo dhan dhameeya
-Dharaar baa iman doonta
iyadoo is wada weyday
oodo loo rogi doono
-Dharaar baa iman doonta
Imaaraadka sidoodiyo
ninba aag ku go’doomo
-Dharaar baa iman doonta
dadka Sool iyo Awdal ee
Aadanow hagrateen
raacdadoodu adkaato
lagu raadsho ileys
Qallinkii Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba)
Halbeegnews Editorial Board
diridhaba@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...