Saturday 28 January 2012

Magacyada iyo Qabiilada ay ka soo jeedaan wasiiru-dowlayaasha iyo wasiiru ku xigeenad la isku bedelay


Ra’isul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa shalay isku
shaandheyn ku sameeyay wasiiru ku xigeenada iyo wasiiru-dowlayaasha
Xukuumadda KMG Soomaaliya ka dib markii uu ansixiyey Madaxweynaha
dowladda KMG sida warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’isul
wasaaraha lagu sheegay.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’isul wasaare C/weli Max’ed
Cali {Gaas} ayaa waxaa lagu sheegay in isku shaandheynta uu sameeyay
Ra’isul wasaaraha uu ansixiyey Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya,
waxaana loogu dhawaaqay liiska wasiiradda oo gaaraya 18 wasiir,
waxayna kala yihiin sida tan:-
1. C/raxiim Cabdi Abiikar, waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha
xafiiska Madaxweynaha {Hawiye/Gugandhabe/Baada Cade}
2. Cali Nuur Ducaale waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha Xafiiska
Ra’isul wasaaraha {Daarood/Owrtable}
3. Cabdi Cali Xuseen waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda
arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka {Doorood /Mariixaan/Uur Midig}
4. Ibraahiim Suleymaan Xaaji Nuur waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha
wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga {Dir/Isaaq/Habar Jeclo}
5. Axmed Xasan Aadan waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda
kalluumeysiga kheyraadka Badda iyo Bay’adda {Dir/Qubeys}
6. Axmed C/llaahi Xuseen {Sheekh Fanax} waxaa loo magacaabay
wasiiru-dowlaha wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta
{Digil/Shanta Caleemood}
7. Max’ed Cumar Max’ud {Macalow} waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha
wasaaradda caafimaadka {Beesha Shannaad/Makane}
8. Xirsi Aadan Rooble waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda
beeraha iyo xanaadada Xoolaha {Hawiye/Habar-Gedir/Saruur}
9. C/qaadir Max’ed Barre waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha
wasaaradda waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare
{Hawiye/Habargidir/Sacad}
 10. Axmed Max’ud Axmed {Yaaqshiid} waxaa loo magacaabay
wasiiru-dowlaha xiriirka Baarlamanka iyo xukuumadda
{Hawiye/Mudulood/Harti Abgaal}
11. Luul Cabdi Aadan waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda
haweenka iyo arrimaha qoyska {Mirifle/Geledle}
12. Prof. C/llaahi Sheekh Cali {Prof. Qaloocoow} waxaa loo magacaabay
wasiiru-dowlaha wasaaradda Shaqada Dhalinyarada iyo Isboortiga
{Hawiye/Saransoor/Dagoodi}.

13. Xasan Max’ud Jimcaale waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha
wasaaradda Dastuurka Federaalka iyo dib u heshiisiinta
{Hawiye/Habargidir/Duduble}
14. Macalin Cali Aadan Cabdi waxaa loo magacaalay wasiiru-dowlaha
wasaaradda Macdanta Biyaha iyo Tamarta {Mirifle/Jiroon}
15. C/kariim Xaaji Cabdi {Buux} waxaa loo magacaabay wasiir ku
xigeenka wasaaradda dastuurka federaalka iyo dib u heshiisiinta lama
hayo qabiilkiisa
16. C/nuur Sheekh Ibraahim Rooble waxaa loo magacaabay wasiir ku
xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda {Hawiye/Abgaal/Waceysle}
17. Mahad Cabdalla Cawad waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka
wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga {Dir/Sure}
18. Marwo Muna Ibraahim Abiikar waxaa loo magacaabay wasiir ku
xigeenka wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska {Digil/Galadi}.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...