Friday 24 February 2012

Ciidamada Itoobiya oo ku wajahan Degmada Buur-hakaba iyo dad lagu qabqabtay howgallo laga sameeyay Baydhabo  

Jimco, Feberaayo 24, 2012 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in ciidamadii Itoobiya ee maalin ka hor qabsaday xarunta gobolka Bay oo wata taangiyo iyo qoryo culus ay u dhaqaaqeen dhinaca degmada Buurhabaka ee gobolka bay.

Goobjoogayaal ku sugan Baydhabo ayaa HOL u sheegay in boqolaal ciidamo ah oo wata afar taangi iyo dhowr qori oo kuwa culus ah ay shalay gallinkii dambe ka baxeen Baydhabo iyagoo ku jeeda Buurhakaba oo ah degmo dhinaca Muqdisho kasoo xigta Baydhabo.

"Ciidamada Itoobiya waxay u dhaqaaqeen dhinaca Buurhakaba, lamana oga xilliga ay geli doonaan, balse waxa la dhowrayo waa warka ku saabsan ciidamadaas," ayuu HOL u sheegay goobjooge ku sugan Baydhabo oo magaciisa qariyay.

Saraakiisha dowladda KMG ah ee ku sugan Baydhabo ayaa waxay sheegeen inay dhawaanahan kala wareegi doonaan degmooyinka kale ee gobolka oo ay weli ku sugan yihiin xoogagga Al-shabaab, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay weerar ku tahay Baydhabo.

Dhanka kale, ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Baydhabo ayaa waxay xalay sameeyeen howlgallo ay kusoo qabqabteen tobaneeyo qof oo ay ku eedeeyeen inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in sidoo kale howlgallada lagu soo qabqbatay waxyaabaha qarxa iyo dad bambooyin watay, wuxuuna xusay inay howlgalladu socon doonaan inta laga xaqiijinayo amniga magaalada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...