Sunday 26 February 2012

Hawlgal Dad iyo Waxyaabaha Qarxa lagu Qabtay oo laga Fuliyey Baydhabo

Muqdisho (RBC)  Ciidamada DKMG Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta hawlgal dad iyo waxyaabaha qarxa lagu qabtay ka fuliyey xaafadaha magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka Baay.
Gudoomiyaha gobolka Baay C/fataax Ibraahim Geeseey ayaa sheegay in hawlgalka saaka ay bilaabeen ka dib markii lagu soo wargeliyey in rag ka haray ururka Al-Shabaab oo magaalada laga saaray ay weli joogaan magaalada.
“Waxaan sameynay baaritaan si loo adkeeyo amaanka magaalada waxaana ciidamada u suurtagashay inay qabtaan waxyaabaha qarxa iyo dhalinyaro ka tirsan kooxda Shabaab ee nabad diidka ah” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Baay.
Dhanka kale taliyaha saldhiga Baydhabo Aadan Xasan Doodishe ayaa isaguna xaqiijiyey in dhowr dhalinyaro ah ay xireen kuwaasoo uu sheegay in hawlgalkii maanta lagu qabtay.
Warar madax bannaan ayaa Raxanreeb u sheegay in dhalinyaro reer Baydhabo ah oo magaalada joogay iyaguna lagu qabtauy hawlgalka.
Hawlgalka saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa yimid iyadoo habeenkii xalay magaalada Baydhabo lagu dilay nin u dhashay qowmiyada Oromada oo magaalada deganaa.
Magaalada Baydhabo ayaa Arbacadii la soo dhaafay laga saaray gacanta Al-Shabaab ka dib markii ciidamada Ethiopia oo wehlinaya ciidamada DKMG ah ay galeen magaalada.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...