Sunday 26 February 2012

Madaxweyne Shariif oo Shaaca ka Qaaday in Dawladiisu ay Wadahadal Toos ah La Galeyso Somaliland

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha DKMG Somaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka soo qeybgalay shirkii London isagoo ay wehlinayeen wafdi ka socda DKMG ah.
Madaxweyne Shariif ayaa markii uu tagay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya hadal kooban siiyey saxaafadda ayaa shaaca ka qaaday in dawladiisu ay bilaabeyso wada hadal toos ah oo ay la geli doonto maamulka Somaliland oo sanadkii 1992 ku dhawaaqay inuu Soomaaliya inteeda kale ka go’ay.
Madaxweyne Shariif ayaa cadeeyey in qodobadii shirka London ay si aan mugdi ku jirin u cadeeyeen in Soomaalida ay mid tahay isla markaana wax kasta oo Soomaalida danaheeda ah dadka Soomaaliyeed loo daayo, taasina ay abuurtay fursad lagula hadli karo maamulka Somaliland.
Shirka jaraa’id madaxweyne Shariif Axmed wuxuu ku sheegay in DKMG ah ay diyaar u tahay shuruud la’aan wada hadal toos ah oo ay la fureyso madaxda Somaliland ayna ogosghahay dawladu in la xaliyo wixii dhib ah ee ay tirsanayaan walaalaha waqooyi galbeed, sida uu sheegay.
Shariif oo la weydiiyey hawlgalada ka socda gobolada Baay, Hiiraan iyo Jubbooyinka ayaa soo dhoweeyey in magaalada Baydhabo laga saaro Al-Shabaab.
Wuxuu dhanka kale u digay saraakiisha ciidamada DKMG ah oo uiu sheegay in looga fadhiyo dhismaha iyo nidaaminta ciidamada qalabka sida ai ay u hantaan amaanka dhulka laga saaro Al-Shabaab.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...