Friday 10 February 2012

Shariif Xasan oo Saaka ka Soo Degey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho (SAWIRO)


Muqdisho (RBC) Shariif Xasan Sheekh Aadan oo 13-kii bishii Disembar xildhibaanada baarlamaanka ka qaadeen xilka afhayeenka baarlamaanka ayaa maata dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka soo qeybgalay shirkii Kooxda Xiriirka ee Arimaha Soomaaliya ee ka dhacay wadanka Jabuuti.

Shariif Xasan oo horey u soo maray magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey xubno taageerayaashiisa ah oo isugu jira mudanayaal baarlamaan, haween iyo odayaal.

Hadal koobanoo uu Shariif Xasan wariyaasha ku siiyey garoonka ayuu ku cambaareeyay weerarkii isqarxinta ee galabnimadii Arbacada lala beegsaday biibito ku dhow hotelka Muna ee degmada Xamarweyne, isagoo sheegay in Al-Shabaab ay yihiin dhibaato ummada Soomaaliyeed heysata.
Shariifku wuxuu soo hadal qaaday khilaafka weli ka taagan jagadiisa, isagoo sheegay inuu jeclaan lahaa in baarlamaanka isfaham gaaro oo ay arimaha dhexdooda xaliyaan
“Waxaa fiican inaan garano xildhibaanimada iyo masuuliyada na saaran oo danta guud u soo wada jeesano” ayuu yiri Shariif Xasan.

Wuxuu Shariif Xasan sidoo kale sheegay in shirkii kooxda Xiriirka ee IG ku yeesheen Jabuuti ee uu isagu ka qeybgalay looga hadlay amaanka Soomaaluiya iyo sidii dawladnimo loo gaarsiin lahaa dalka, isagoo sheegay in shirka London ee dawlada Ingiriiska ay qabaneyso uu soo dhoweynayo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...