Thursday 9 February 2012

War-Saxaafadeed - Shirka Golaha Wasiirada



Muqdisho, February 7, 2012-----Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ayaa maanta waxaa shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali, waxaana looga hadlay arimaha amniga, warbixin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, warbixin Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho, iyo barnaamijka ka Guurista Guryaha Dowladda.

Ugu horreyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka warbixiyey safar uu ku tegey Talyaaniga, Kenya iyo Djibouti oo uu sheegay in Talyaaniga si qurux badan u soo dhoweeyeen wafdigii uu hoggaaminayey safarkiina uu ku soo dhammaaday guul, kulamana la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti, Wasiirka Arrimaha Dibedda Giulio Terzi, Wasiirka Difaaca Gianpaolo Di Paola, Wasiirka Arrimaha Gudaha Annamaria Cancellieri, iyo Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibedda Staffan De Mistura. Labada dowladood waxey isku raaceen:

1.     in si deg-deg ah loo dhaqangeliyo mashaariicdii horey Talyaanigu u ballanqaaday ee loo qoondeeyey lacag gaareysa 15 million Euros.
2.    In 200 Ciidanka booliska Soomaaliyeed tababar gaar ah oo 12 usbuuc soconaya la siin doono.
3.    In deeq waxbarasho loo fidiyo oo lagu soo baranayo waxbarasho militariga ah iyo booliska.
4.    In Dowladda Talyaaniga ay kordhin doonaan gar-gaarka bani’aadanimo.
5.    In Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ay guddi wadajir ah sameysan doonaan si wasaaradaha dowladda Soomaaliya looga saacido habsami u socodka howlaha dowliga ah.
Golahu waxey warbixin ka dhageysteen guddigii loo xilsaaray ka guurista goobaha dowlada oo ay sheegeen inay si wanaagsan ku bilowdeen oo goobo muhiim ah laga saaray dadkii degenaa oo ay ka mid yihiin gurigii hooyooyinka, madxafka qaranka,  Jaamicadii Shabelle, Xaruntii Dowladda Hoose ee Secondo Lido (teeserayaasha), Bacadlaha, iyo Jaamicaddii Boolitikniko, lana filayo in goobaha dhiman si dhaqso leh looga guuro. Golaha Wasiiradu waxey ku ammaaneen shacabka Soomaaliyeed iyo dadkii degenaa goobaha dowladda sida quruxda badan ee ay ku fuliyeen awaamiirtii dowladda, kana codsadeen inay la sii shaqeeyaan si dhammaan goobaha dowlada looga baxo oo shacabka Soomaaliyeed loogu fuliyo adeegyadii bulshada ee muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed. 


----Dhamaad----

--
Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
             +252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...