Monday 9 April 2012

DOOD FURAN: Madaxweyne Shariif + Wasiirka Gudaha Vs Wasiirka Warfaafinta

Muqdisho (RBC) Xilli uu weli socdo baaritaan ay wadaan guddi gaar ah oo raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Gaas u saaray qaraxii Arbacadii la soo dhaafay [04-04-2012] ka dhacay Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Muqdisho ayaa haddana dhinaca kale waxaa cirka isku shareeray eedeymo iyo ereyo kulul oo ay masuuliyiinta dawlada qaarkood hawada isu marinayaan.
In ka yar hal usbuuc ayaa hadda laga joogaa maalintii uu dhacay qaraxa ismiidaaminta ah ee ay Al Shabaab sheegatay, kaasoo sida masuuliyiin kala duwan sheegeen uu hareeyay tuhun badan oo la xiriira dhanka amaanka.
Khamiistii la soo dhaafay oo ahayd maalintii ku xigtay maalinta qaraxa uu dhacaywaxaa magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay wasiirka arimaha gudaha C/samad Macalin Maxamuud isagoo ku nuuxnuuxsaday in wasaaradiisa oo masuuliyad ahaan amaanka ku shaqo leh aan lagu soo wargelin xaflada ka dhacaysay tiyaatarka qaranka.
“Anaga wax naloo soo ogeysiiyey ma jirin dhamaan hay’adaha amaanka lama socon xaflada.” ayuu yiri C/samad.
Wuxuu intaa ku daray in ilaalada raysul wasaaraha iyo tiro yar oo ka mid ah ciidamada AMISOM ay goobta tageen balse meesha aysan joogin wax ciidanka amaanka ee dawlada ka tirsan. “Ilaalada raysul wasaaraha iyo xoogaa AMISOM oo la socday ayaa isku koobay meesha.” ayuu sii raaciyey wasiirka arimaha gudaha oo Khaamiistii la hadlay wariyaasha.
Shirkii toddobaadlaha ee guddiga amaanka oo dhacay Khamiistii la soo dhaafay [05-04-2012] oo arinta qaraxa si weyn loogaga hadlay ayaa sidoo kale su’aalo kulul lagu weydiiyey agaasimayaasha hay’ada nabadsugida qaranka iyo booliska kuwaasoo ku dooday in iyaga aan lagu martiqaadin xaflada oo aysanba ogeyn waxa meesha ka socday.
Waxaa taa xigay markii madaxweyne Shariif oo habeenkii Axada xarunta madaxtooyada kula kulmay fanaaniin iyo suxifiyiin u badan kuwa wasaarada warfaafinta uu si hordhac ah u eedeeyey wasaarada warfaafinta oo uu sheegay in khalad ay sameysay darteed uu ku dhacay dayacaada amni ee maalintii Arbacada dhacday.
Madaxweyne Shariif wuxuu soo qaatay saddex arimood oo kala ah;
- In munaasabada dadka badani lagu casumay aan lagu wargelin hay’adaha amaanka, gaar ahaan booliska iyo nabadsugida.
- In waraaqaha casumaada ee loo diray martida aan loo qaabeyn si sharci ah isla markaana cid kasta ay heli kartay.
- Iyo in wasaarada warfafinta oo diyaarinta xafladaasi lahayd aysab wax qorshe ah u sameyn habka ay munaasabada u dhici lahayd taasoo keentay in qaabka aan xadidneyn ee munaasabada u dhacday lagu soo dhex dhuunto.
Madaxweynuhu wuxuu kaloo wariyaasha u sheegay in isaga uu ka mid ahaa dadkii lagu martiqaaday xaflada laakiin dano kale dartood uu uga baaqday.
Jawaabta wasiirka warfaafinta
Iyadoo intaasi dadweynaha dhagahooda ka guuxeyso ayaa maanta wasiirka warfaafinta xukuumadda KMG C/qaadir Xuseen Maxamed Jaahweyn oo ka soo laabtay socdaal uu ku tagay wadanka Jabuuti si kulul u naqdiyey hadalada isku raacida ah ee ay madaxweynaha iyo wasiirka arimaha gudaha sheegeen.  Jaahweyn wuxuu tilmaamay inuu ogeysiiyey hay’adaha amaanka oo uu xitaa isaga la kulmay.
“Way ogaayeen dhamaan hay’adaha ku shaqada leh amaanka. weliba waxaan rabaa inaan idinla wadaago in markay munaasabada soo dhowaatay oo maalmo ay ka harsan tahay ayaan aniga u tagay hay’adaha sida gaarka ah u daneeya amaanka oo aan ku martiqaaday una sheegay inaan ku faraxsanahay inay nagala soo qeybgalaan.” ayuu wasiirku u sheegay suxufiyiinta mar uu garoonka kula hadlay.
Dadka reer Muqdisho ayaa qaba su’aalo kale oo ay ka mid yihiin in munaasabada maalintaasi aysan ka soo qeybgalin wasiirka arimaha gudaha, gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo xubnaha kale ee dawlada ee lagu tiriyo xulufada dhanka madaxweynaha (Aala Sheekh).   Halka ay munaasabada yimaadeen xulufada ama asxaabta raysul wasaare Gaas marka loo eego martidii xaflada timid iyadoo khasaaraha ugu badana uu gaaray shaqaalaha xafiiska raysul wasaaraha iyo suxifiyiintii tebineysay munaasabadda.
Arin kale oo muhim ah waxay tahay in hay’ada nabadsugida oo si gaar ah amaanka ugu xilsaaran dawlada aysan ka hawlgelin tiyaatarka maalintaasi oo sida sharciyan laga rabo ahayd inay hubiso amaanka goobaha muhimka ah.
Raysul wasaare Gaas isagu illaa hadda wuxuu ku gaabsaday inuu ka war sugayo baaris buuxda oo uu amray in lagu sameeyo dhacdada.
Haddaba sidee arintan kuula muuqataa akhsrite?…….. Waa Dood Furan

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...