Monday 16 April 2012

Masuuliyiintii Xabsiga Magaalada Hargeysa ugu xidhnaa Musuqmaasuq oo Dhagaysiga dacwadoodii Maanta la billaabay

 



Isniin, Abriil 16, 2012 (HOL) — Saddexdii masuul ee lagu eedeeyey musuqmaasuqa, ayaa maanta si rasmi ah dacwadooddii uga furantay maxkamadda gobolka ee magaaladda Hargeysa, waxaana la dhagaystay markhaatiyadda ku marag furaya eedaysanayaasha.
Hoolka maxkamadda ayaan loo ogolayn warbaahinta, waxaase warbaahintu ku horsugaysay duleedka maxkamadda, waxaanay qaabka ay u furantay maxkamaddu nooga waramay looyaradii u doodayey saddexda masuul iyo laba qof oo ganacsatadda ka mid ah oo loo soo qabtay kiiskan.
Saddexdan masuul ee ku eedeysan lunsi Xoole dadweyne ayaa kala ah gudoomiyihii hore ee gobolka Maroodi jeex, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje), agaasimihii hore ee wasaaraddi dib u dajinta Axmed Cilmi Bare iyo taliyaha madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cismaan siciid iyo laba qof oo kale oo iyana ku eedeysan musuqmaasuqan raashinka oo ay isku kiis yihiin.
Looyaradii u doodayey masuuliyiintan oo wakhtigii nasashadda dibadda usoo baxay, ayaanu wax ka waydiinay qaabka ay ku bilaabantay dacwaddu, waxaanay looyaradda difaacayey masuuliyiintan noo sheegeen in weji wanaagsan ku furantay maxkamadda, isla markaana si madax banaan la isku waydiinayey su’aalaha ku qotoma arrimahan.

"dacwaddu maanta waxay ku bilaabantay jawi qabow, qaabka su’aalaha la isku waydiinayeyna waxa uu ahaa qaabkii uu sharcigu dhigayey, habka ay maxkamaddu u hogaaminaysayna waxa uu ahaa nidaamkii uu sharcigu dhigayey"ayuu yidhi Garyaqaan Maxamed Jaamac oo ah garyaqaanadda u doodayey masuuliyiintan.
"Haddii aanu nahay qareenaddii u doodayey si haboon ayey maanta noogu dhacday, waxaana rajaynaynaa inay sidaas dacwaddu u socoto, waxaanan u mahad celinaynaa gudoonka maxkamadda oo si fiican u hagayey dacwadda "ayuu raaciyey qareenka u doodayey masuuliyiintan.
Waxa iyana jira toddoba qof oo kale oo ku eedeysan kiiskan, balse ilaa hadda aan la qaban, isla markaana iyagoo maqan ay dacwaddu ku soconayso.
Dhagaysa dacwadan masuuliyiinta lagu soo eedeeyey waxa ka soo qaybalay dadweyne farobadan, waxaana aad loo adkeeyey amniga maxkamadda, iyadoo ciidamo badan la dhigay agagaarka maxkamadda gobolka ee ay dacwaddu ku socoto, isla markaana warbaahintii iyo bulshaddii kalaba looma ogalaan inay galaan marka laga reebo in kooban oo ka qaybgashay dhagaysiga dacwadda.
Si kastaba ha ahaatee, masuuliyiintan ayaa in ka badan bil ugu jiray jeelka arrimo musuqmaasuq, waana markii ugu horaysay ee dacwadoodda si rasmi ah loo bilaabo dhagaysigoodda, waxaana la filayaa inay dhagaysiga dacwaddani ay muddo qaadato.



Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...