Monday 2 April 2012

Sheekh Axmed Dhicisow oo taageeray hadalkii Sheekh Xasan Daahir ee ahaa in Al-shabaab ay joojiyaan dilka dadka



Isniin, Abriil 02, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha majmaca culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow ayaa soo dhaweeyay hadalkii Sheekh Xasan Daahir Aweys uu dhawaan jeediyay, kaasoo ku saabsanaa in Al-shabaab aysan dilin dadka shacabka ah isla markaana aysan u caga-jugleyn.
Sheekh Dhicisow oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir ay illaa sannadkii 1978-kii ahaayeen dad diinta Islaamka fidiya, hadalkiisan uu yahay mid uu ku yaqaanay.
"Inkastoo qofka culummada ah uu mar sambariirixdo, haddana Sheekh Xasan waa nin wadani ah, geesi ah, mukhlis ah, diinta Islaamkana ku wanaagsan, had iyo jeerna xaqa la jira oo aan caadifad lahayn," ayuu yiri Sheekh Axmed Dhicisow.
Sheekh Xasan Daahir ayaa hadal uu ka jeediyay gobolka Shabeellada hoose wuxuu ku sheegay in Al-shabaab looga baahan yahay inay dadka u naxariistaan oo aysan dadka dilin iyagoo u daliishanaya diinta Islaamka.
Mar la weydiiyay in Sheekh Xasan Daahir uu isagu doortay inuu Al-shabaab ku biiro iyo in lagu qasbay ayuu sheegay, in isagu uusan oran karin waa lagu qasbay iyo laguma qasbin, balse ay horay isaga iyo Al-shabaab isku khilaafkeen.
Hadal uu Sheekh Xasan Daahir ku sheegay in weerarrada lagula jiro DKMG ah iyo AMISOM iyo qaraxyada lala beegsanayo ay yihiin kuwo bannaan ayuu sheegay in isaga aysan la ahayn inuu daliil cad u heli karo, wuxuuna Sheekh Dhicisow xusay inaysan bannaaneyn in dadka bani'aadamka qarax lagu dilo.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in Sheekh Xasan uu laba dagaal ka qaybgalay intii lagu jiray sagaashameedyadii, wuxuuna xusay in mowqifkiisaan uu yahay mid aad u wanaagsan, balse uusan garan karin waxa u xigi doona.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...