Monday 18 June 2012

Amiirka Al-Shabaab: Dagaalada Waan Wadaynaa Ilaa Ay Baxaan Ciidamada AMISOM

Muqdisho (RBC Radio) Hogaamiyaha ururka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaano Sheekh Muqtaar C/rixmaan Abuu Subayr ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan ciidamada AMISOM ilaa ay ka baxaan wadanka.
Hogaamiyaha Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay mari doonaan wadadii ay mareen sida uu sheegay dowladaha Mareykanka iyo itoobiya.
Axmed Cabdi Godane Wuxuu kula dar daarmay dagaalyanada kale ee kooxdiisa Al-Shabaab in ay sii wadaan dagaalada oo aysan wax niyad qab ah aysan muujin.
Sidoo kale Hogaamiyaha Ururka Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in dowladaha reer galbeedka ay kasoo horjeedaan Nabada iyo harmar uu sheegay in uu ka jiro dhamaanba gobalada ay ka arimiyaan kooxda Al-Shabaab.
Hadalkaan ayaa Abuu Subayr wuxuu ku sheegay fariin maqal ah oo uu soo diray taasi oo uu kaga hadlay waxyaabo badan oo ay qaybka yihiin xaalada wadanka iyo dagaalada lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa xiriir weyn la leh kooxda Al-Qaacida waxaana jira dagaalo badan oo lagula jiro, iyadoona dhowaan ay sheegtay dowlada maraykanka in dagaal toos ah ay ku soo qaadi doonto Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...