Tuesday 12 June 2012

Gudoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya ee sanadkii 1965-kii oo Maanta Ku Geeriyooday Nairobi (Taariikhdiisa oo Kooban)

Nairobi (RBC) Allah ha u naxariistee Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen oo kamid ahaa gudoomiyeyaashii ugu horeeyay ee baarlamaankii Soomaaliya ee sanadihii 60 meeduyadii ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.
Geerida Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen waxaa shabakada Raxanreeb u xaqiijiyey xubno ka mid ah eheladiisa oo sheegay in Sheekh Mukhtaar oo da ahaa uu mudooyinkan dambe xanuunsanayey. Wuxuuna ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.
Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ayaa ka tacsiyeeyey geerida naxdinta leh ee Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen.
Taariikhda Sheekh Mukhtaar
Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen wuxuu siyaasada ku soo biiray xilligii gobanimadoonka Soomaaliya, wuxuuna ka mid noqday dhalinyaradii ku biirtay xisbigii SYL ee dhalinyarada Soomaaliyeed sanadkii 1940-kii. Sanadkii 1954 ayuu noqday madixii SYL ee gobolkii Jubbada Sare.
Wuxuu ku dhashay degmada Xudur ee gobolka Bakool sanadkii 1912-kii.
Wuxuu noqday gudoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya sanadkii 1965 illaa 1969-kii.
Bishii Oktoobar sanadkii 1969-kii markii la dilay madaxweynihii hore ee dalka mudane C/rashiid Cali Sharma’arke Waxaa Sheekh Mukhtaar noqday madaxweyne kumeelgaar ah, wuxuuna hayey mudada u dhexeysay 15-kii Oktoobar illaa 21-kii Oktoobar 1969-kii.
Markii xukunka uu qabsaday Maxamed Siyaad Barre Sheekh Mukhtaar waxaa lagu soo rogay xabsi guri isaga iyo xubno ka mid ahaa madaxdii dawladii rayidka ahayd.
Mudaddii burburka
Sheekh Mukhtaar wuxuu si rasmi ah u sheegay inuu ka fariistay siyaasadda Soomaaliya sanadkii 1969-kii.
Markii dalka ay ka dheceen dagaalada sokeeye sanadkii 1990-kii Sheekh Mukhtaar wuxuu ku noolaa beertiisa uu ku lahaa degmada Afgooye.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...