Tuesday 12 June 2012

Muqdisho: Maxaa Kala Heysta Odayaasha Dhaqanka Iyo Siyaasiyiinta Xil-Doonka ah Iyo Is-Xulufeysiga Beelaha? (Warbixin)

Muqdisho (RBC) Ololaha siyaasadeed iyo loolanka ay wadaan siyaasiyiinta xil doonka ah ayaa marba marka ka dambeysa sare u sii kacaya gudaha dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho oo xilligan uu ka socdo shirka odayaal dhaqameedka Soomaalida kuwaasoo u fadhiya soo xulista ergadii ansixin lahayd dastuurka cusub iyo mudanayaasha cusub ee baarlamaanka.
Kulamada ay leeyihiin odayaasha dhaqanka waxaa dhanka kale hareeyay kala jiidasho ay wadaan siyaasiyiin xil doon ah oo doonaya inay boos ka helaan kuraasta baarlamaanka iyo dawlada cusub ee la dhisi doono Agoosto 2012. Waxaana tani ay dhalisay gorgortan noociisu cusub yahay oo markii ugu horeysay ka dhex bilawday hab dhaqanka siyaasada dalka oo markii horaba ku saleysnaa qabiil.
Wariyaal ka tirsan Shabakada Raxanreeb oo maalmihii la soo dhaafay u kuurgalay kala jiidashada ay wadaan siyaasiyiinta xil doonka ah ayaa soo arkay siyaasiyiin u badan qabqablayaashii dagaalka oo kulamo la leh odayaal dhaqameed beelahooda ka soo jeeda si ay uga dhaadhiciyaan in kuraasta siyaasadda ay u soo doortaan iyaguna ay abaalmarin ugu bedeli doonaan.
I qor aan ku qoree!
Siyaayiinta ololaha muuqda haatan ka wada Muqdisho waxaa ka mid ah xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), madaxweynaha Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiiceey, iyo xubno u badan baarlamaanka waqtigisu sii dhamaanayo kuwaasoo ku jira gorgortan adag.
Sidoo kale waxaa kaalin muuqata ololaha xil doonka ka ciyaaraya Xildhibaan C/risaaq Juriile iyo Prof Cali Khaliif Galeyr oo labaduba waayadan ku sugnaa magaalada Muqdisho kuwaasoo kulamo aan kala go’ lahayn la qaadanaya odayaal beeleed iyo xubno dhaqan oo qaarkood ka mid yihiin kuwa ka qeybgalaya shirka odayaasha ee ka socda Muqdisho.
Waxaan iyaguna habeen iyo maalin aan seexan madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo saaxiibkiis hore Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmihii dambe aan fursad isu helin ay ku wada hadlaan maadaama nin waliba ay tiisa cusleysay. Wararka qaar ayaaba sheegaya in xurguf hoose ay labada nin u dhexeyso taasoo ka dhalatay hanka sii kordhaya ee Shariif Xasan ka qabo kursiga madaxweynaha dalka.
Dhanka qurbejoogta mansan doonka ah iyo musharixiinta cusub (oo u badan beesha madaxweyne Shariif) ayaa iyaguna si firfircoon magaalada ugu soo gurmaya, waxaana maalin kasta garoonka Muqdisho ku arkeysaa haween, dhalinyaro iyo rag si qurux badan u lebisan oo soo dhoweynaya musharax cusub oo dibadda ka imaanaya.
Waxaa aad mashquul u ah hotelada Muqdisho, habeen iyo maalinna waxaa dhacaya xaflado martiqaad iyo kulamo gooni gooni ah. Xildhibaano badan oo wariyaasha Raxanreeb la sheekeysteena waxayba ka cudurdaarteen inay hadal bixiyaan mashquulka ay ku jiraan darteed.
Waxa ugu horeeya ee haatan lagu gorgortamayo waa ka mid noqoshada mudanayaasha baarlamaanka cusub oo ka koobnaan doona 275 xildhibaan, taasoo ka dhigan in cida aqlabiyad fiican ka hesha baarlamaanka ay rajo ka qabi karto xilalka sare ee dawlada sida raysul wasaaraha iyo madaxweynaha.
Isxulufeysiga beelaha
Waxaa iyana jirta heshiisyo isafagarad ku saleysan oo siyaasiyiinta xil doonka ah iyo odayaasha dhaqanka ay hormuud ka yihiin kaasoo beelo iyo jufooyin la isugu xirmayo, si loo ciyaaro aragtida oraneysa ‘jumlo ayaa jid furata’. Waxaa socda ballanqaadyo ah in beel hebel loogu codeeyo madaxweynaha ay wadato taasui bedelkeedana beesja kale lagu taageero kursiga raysul wasaaraha.
Laakiin isafgaradkan xeer jajabka ah ayaa dadka qaar durba waxay ka muujiyeen walaac maadaama ay dhici karto in sidaasi lagu lumiyo miisaankii wax ku qeybsiga 4.5 oo ahaa in beelaha waaweyn la siiyo saddexda kursi ee ugu sareeya. Waxaana la leeyahay waxaa soo bixi karta natiijo ka duwan tii 4.5 haddii ay sidan wax ku sii socdaan.
Illaa hadda xafiisyada siyaasadda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee UNPOS iyo AU oo saraakiil joogtro ah ka joogaan Muqdisho waxay arimahan kala socdaan dusha, waxaana la eegayaa meesha sheekadu ku biyo shubato lixdanka cisho ee soo socda oo wax walba kala caddaan doonaan.

——————————————————————————————————————————-
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...