Saturday 4 August 2012

Aala Sheekh oo Shakhsiyaad Cusub Ku Soo Biireen, Xulufada Gaas oo Boosas Muhim ah Lumiyey Iyo Kala Iibsiga Kuraasta Baarlamaanka (Warbixin)

Muqdisho (RBC) Meel adag ayuu soo gaaray dagaalka qabow ee ka dhex socda madaxda musharixiinta ah ee DKMG Soomaaliya ee ku loolamaya kursiga madaxweynaha, waxaana dhanka kale isbedelaya xaaladaha siyaasadeed saacadba saacada ka dambeysa.
Madaxweyne Shariif oo ugu cad cad musharixiinta kale ee dawlada dhexdeeda ayaa hadda waxay isku soo dhowaadeen saaxiibkiis Shariif Xasan iyadoo sida muuqatana ololahooda ka dhigay mid hal dhinac u socda, taasoo ka dhigan in labada nin ay hal RUUX u rabaan kursiga madaxweynaha ee loo ordayo.
Aala Sheekh VS xulufada Gaas
Dagaalka ugu adag wuxuu beryahan dhexmarayaa kooxda Aala Sheekh oo ah xulufo kal iyo niyadba ku taageersan madaxweyne Shariif, ayna ka mid yihiin wadaadii hore iyo xubnihii isbahaysiga dib u xoreynta ee Asmara iyo xulufada raysul wasaare C/weli Gaas. Labada dhinac wuxuu mid waliba bannaanka keenay awoodiisa inkastoo kooxda Aala Sheekh ay kasbatay xubno cusub si ay ugu adeegsato ololaheeda kursiga madaxtinimada.
Xubnaha cusub ee ku soo bioiray kooxda Aala Sheekh ayaa la siiyey kuraas baarlamaanka si ay Agoosto marka doorashada ay dhacayso codka u siiyaan madaxweyne Shariif [aabaha Aala Sheekh]. Waxaana xusid mudan in halkii kursi ee mudane baarlamaan lakala siisanayo lacag u dhexeya $15,000 doolar illaa $20,000 doolar taasoo la siinayo odayaasha beelaha.
Xubnaha illaa hadda ku soo biiray Aala Sheekh waxaa ka mid ah;
Mustaf Dhuxulow
1- Mustaf Dhuxulow: Waa wasiir hore iyo mudane hore oo ku jiray baarlamaanka Soomaaliya kana yimid Isbahaysigii Asmara. Kadib loolan adag oo uu gacan ka geystay madaxweyne Shariif wuxuu Mudane Dhuxulow booska kaga guuleystay C/qaadir Xuseen Jaahweyn (wasiirka warfaafinta ee hadda) oo ay isku beel yihiin.
Jaahweyn waxaa uu ka tirsan yahay xulufada raysul wasaare Gaas, waxaana xusid mudan in dagaal adag uu horey u dhexmaray isaga iyo madaxweyne Shariif [Akhri khilaafkii Jaahweyn iyo Shariif], markaas haddii uu baarlamaanka cusub galo way iska cadahay in codkiisa uusan ku tashan doonin Sheekh Shariif taasi darteed ayaa keentay in madaxweyne Shariif uu Ugaaska beesha Murusade ka iibsado booska Jaahweyn laguna bedelo Mustaf Dhuxulow.
2- Suldaan Mustafe Xaaji: Waa soddoga madaxweyne Shariif oo wuxuu dhalay Faadumo Mustafe (xaaska labaad ee Sheekh Shariif). Suldaan Mustafe waxaa la siiyey kursiga kaliya ee baarlamaanka ay ka heshay beesha 12-ka Koofi ee Banaadiriga. Kursiga xildhibaanimo ee beeshan waxaa horey ugu fadhin jiray Garweyne Kuulow Aweys oo hadda laga qaaday.
Garweyne Kuulow wuxuu dhowaan Raxanreeb u sheegay in qeybtii beeshiisa ee baarlamaanka cusub uu go’aan ka gaaray madaxweyne Shariif isagoo sheegay inuu soddigiis ku bedelay si uu codka Agoosto u siiyo isaga. Akhri wareysiga Garweyne
3- Eng Axmed Abuubakar: Waa mulkiilaha telefishanka UNIVERSAL, kana soo jeeda beelaha Banaadiriga. Eng Axmed iyo telefishankiisaba waxay beryahan olole fiican u sameynayeen siyaasadda Madaxweynaha iyadoo telefishanka laga joojiyey musharixiinta kale ee tartanka ku jira. Iyadoo laga faa’ideysanayo fursadaas ayaa madaxweyne Shariif Eng Axmed ku daray baarlamaanka cusub, sida Raxanreeb ay ka heshay xubin ka tirsan guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka oo magaca Eng Axmed loo gudbiyey, nagana codsaday inaan magaciisa la shaacin.
Eng Axmed Abuubakar horey uguma jirin siyaasadda, kamana mid ahayn xulufada Aala Sheekh, laakiin taageerada isaga iyo telefishankiisa u sameeyeen madaxweynaha ayaa keentay in booska baarlamaanka lagu abaalmariyo, isaguna taasi bedelkeeda codkiisa waxaa leh Sheekh Shariif.
4- Ina Axmed Cumar Jees: Waa siyaasi da’ yar. Si codka looga helo, ayaa madaxweynuhu u iibiyey kursiga baarlamaanka. Waxaase xusid mudan in ugaaska beesha Maxamed Subeyr oo uu ka soo jeedo intuu lacagtii qaatay haddana booskii diiday inuu siiyo Axmed Maxamed Cumar Jees illaa hadase dooda way socotaa, oo AMA LACAGTA AMA KURSIGA ayey mareysaa.
5- C/qaadir Xaaji Cali Luga Dheere: Wuxuu horey u soo noqday wasiir ku xigeenka wasaarada dekedaha iyo gaadiidka. Waxa uu ka soo jeedaa beesha Looboge ee Sheekhaal, waxaa la xaqiijiyey in kursigiisa uu helay kadib markii uu taageero ka helay madaxweynaha, sida Raxanreeb ayu u sheegeen xubno beesha ka mid ah iyo guddiga farsamada ee xulsta baarlamaanka intaba.
Cabdirashiid Xiddig
6- C/rashiid Xiddig: Waxa uu horey u ahaan jiray wasiir ku xigeenka gaashaandhiga xukuumadii Farmaajo iyo mudane baarlamaan, wuxuuna kasoo jeeda beesha Muqaabul ee Ogaadeen. Booskiisa isaga ayaa iibsaday oo cidna lacagta kama bixin laakiin wuxuu xiriir fiican la leeyahay Sheekh Shariif sidaa darteedna codka waxaa uu siinayaa Shariifka, sida Raxanreeb ay u sheegeen ilo wareedyo ku dhow beesha iyo guddiga farsamada ee baarlamaanka.
Waxaa kaloo taageerada ololaha madaxweynaha kaalin mug leh ka qaadaneysa hay’adda CRD “Xarunta Cilmibaarista iyo Horumarinta” oo uu madax ka yahay Jibriil Ibraahim Cabdulle oo madaxweynaha saaxiib yihiin isku beelna ka soo jeedaan. CRD waxay bixineysaa maalgelinta shirarka ololaha madaxweyne Shariif iyo kharaasdka saxaafadda la siinayo, sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegay shaqaale ka tirsan CRD.
Iibsiga baarlamaanka
Illaa hadda waxaa xog na soo gaareysa ay sheegeysaa in 160 xildhibaan oo ka mid ah 275 mudane ee baarlamaanka cusub la soo xulay kuwaasoo dhanka labada Shariif u codeyn doona. Tirada ka harsan baarlamaanka ayaa iyaguna maalmaha soo socda la filayaa in loo gudbiyo guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka oo ah guddi ay magacaabeen lixda saxiixayaasha qariirada ‘roadmap’.
Arimahan waxaa ka walaacsan deeqbixiyaasha iyo Qaramada Midoobay oo sheegaya in shuruudo adag ay hor yaalaan doorashada soo socota, waxaana walaacaasi ugu weyn kii uu Wakiilka Qaramada Midoobay Augustine Mahiga shalay sida bareerka ah uga sheegay xafladii xiritaanka shirkii ansixinta dastuurka. Akhri walaaca Danjire Mahiga
Musharixiinta kale ee dooneysa inay u tartamaan kursiga madaxtinimada ayaa sidoo kale marar badan ka dhawaajiyey hab dhaqanka lagu soo xulayo mudanayaasha cusub ee baarlamaanka kuwaasoo sheegay in haddii aanay beesha caalamka soo faragelin sida wax ku socdaan ay khasaare ku dambeyn doonaan dadaaladii loo soo galay hirgalinta geedi socodka nabadda dalka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...