Monday 6 August 2012

XOG: Shaxda Shariif Xasan u Dejiyey Ololihiisa Doorashada 20-ka Agoosto

Share
Shariif Xasan (bidix) iyo Sheekh Shariif
Nairobi (RBC) Shariif Xasan Sheekh Aadan oo mar ahaan jiray afhayeenka baarlamaanka KMG Soomaaliya oo haatan ka mid ah musharixiinta ugu cad cad tartanka madaxtinimada dalka ayaa xulufadiisa noocyada badan ku dhisaya hab ku saleysan awood qeybsiga beelaha ee afarta iyo barka (4.5) taasoo uu qorsheynayo inay isaga gayeysiiso kursiga madaxtinimada dalka waqtigan cusub.
Ilo wareedyo aad ugu dhow Shariif Xasan oo ku sugan gudaha dalka iyo dibada ayaa Raxanreeb u sheegay qaabka ay hadda u degsan tahay shaxda Shariif Xasan ugu talagalay inuu ku maareeyo ololihiisa doorashada madaxtinimada ee 20-ka Agoosto, taasoo uu beryahanba taageero kaga raadinayey siyaasiyiinta beelaha Daarood, Hawiye iyo Dir.
Inkastoo aan la ogeyn in la isku afgartay, haddana Shariif Xasan wuxuu madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo raysul wasaare C/weli Gaas (oo isku beel ah) ka codsaday inay ku taageeraan sidii uu isaga madaxweynaha ku noqon lahaa kadibna beelaha Daarood loo siin lahaa raysul wasaaraha cusub ee dawlada cusub ee dalku yeelanayo Agoosto ka bacdi, taasoo Shariif Xasan uu sheegay inay ka awood badnaan doonto dawladihii hore ee dalka soo maray ee ku-meelgaarka ah.
Dalabkaasi oo kale wuxuu hadda Shariif Xasan la wadaa siyaasiyiin magac ku leh beesha Hawiye oo uu ka dhaadhicinayo inay heli doonaan kursiga afhayeenka baarlamaanka taasi bedelkeedana isaga lagu taageero helista kursiga madaxweynaha.
Soo harmarinta doorashada madaxweynaha
Ilo wareedka u xog waramay Raxanreeb waxay sheegayaan in Shariif Xasan uu ku dadaalayo sidii doorashada madaxweynaha ay u dhici lahayd ka hor 20-ka Agoosto si uu isaga ugu soo baxo kursigaasi, markaas kadibna la qabto doorasho afhayeenka baarlamaanka oo sida ballantu tahay loo sharixi doono siyaasi ka soo jeeda jufooyinka waaweyn ee beesha Hawiye. Rag fara badan oo ka soo jeeda beeshan ayaa Shariif Xasan arintan kala shaqeynaya hadda sida la sheegayna aad ula dhacsan.
Qorshahan ayaa haddii uu meelmaro wuxuu meesha ka saarayaa hamiga madaxweynaha hadda ee Sheekh Shariif oo haddii siyaasi beesha Hawiye loo xusho afhayeenka baarlamaanka waxaa caqabad uu kala kulmayaa in beesha ay madaxweyne qaadato, sida uu qabo xeerka 4.5 ee beelaha wax ku qeybsadaan.
Shariif Xasan wuxuu kaloo siyaasiyiinta beesha Daarood oo Faroole iyo Gaas ugu horeeyaan ku qancinayaa in C/weli Gaas ku soo celinayo raysul wasaaraha cusub ee dalka, ayna sidaas meesha uga baxayaan siyaasiyinta beeshan ee laga yaabo inay hadda la safan yihiin Sheekh Shariif.
Labo wasaaradood oo muhim ah oo ay ka mid tahay wasaaradda arimaha dibadda iyo maaliyada ayaa la sheegayaa inuu Shariif Xasan u ballanqaaday beesha Dir. Wuxuu kaloo ballanqaaday in raysul wasaare ku xigeenka koowaad uu siin doono beesha Dir si ay u taageerto ololahiisa madaxtinimo.
Dadka aadka ugu dhow arimahan, waxay sheegayaan in Shariif Xasan looga bartay ururinta xulufo beeleedyada uuna aad u yaqaano sida dadka loo kasbado wax badana kala socda isbedelada siyaasadeed ee dalka oo uu had iyo jeer ku guuleysto aakhirka, sidaasi darteedna ay dhici karto in qaabka uu QORSHAHA u dejiyey uu ku guuleysto.
Warar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo marar hore ay iska hor yimaadeen Shariif Xasan, hase yeeshee hadda ay aad isugu dhow yihiin uu shaki ka qabo qorshaha Shariif Xasan. Sidaas darteed ayaa C/weli Gaas iyo Faroole wadatashiyo dheer ka yeesheen soo jeedinta Shariif Xasan.
Arin kale oo xusid mudan ayaa ah in wakiilka Xafiiska UNPOS ee Soomaaliya Agustine Mahiga iyo wasaaradda arimaha dibadda Ethiopia ay aad u taageereen qorshaha Shariif Xasan ee madaxtinimada oo wadamada qaar ee beesha caalamka iyo kuwa deriska waxay markan leeyihiin xilka madaxweynaha Soomaaliya halagu tijaabiyo cid aan ahayn beelihii horey u soo qabtay ee “Hawiyaha iyo Daaroodka” taasoo Shariif Xasan laftiisu uu wax badan ku dooday, inkastoo waxbarashadiisa dood laga keenay.
Dhanka kale illaa toban musharax oo ka mid ah kuwa u tartamaya madaxtinimada dalka oo hadda ku sugan Muqdisho ayaa iyaguna wada inay sameystaan isbahaysi ay ku doonayaan inay ku wajahaan cadaadiska laga yaabo inuu kaga yimaado isbahaysiga uu dhisayo Shariif Xasan, waxaana musharixiintan ku jira qaar isku beel ah oo hadda wada sidii ay hal nin ugu tanaasuli lahaayeen si ololahooda uu u noqdo mid awood leh.
Si kastaba cida waxaan oo dhan go’aanka ka gaareysa ugu dambeyna madaxweynahacusub ee dalka dooraneysaa waa “275″ mudane oo cusub kuwaasoo ninkii iyaga kasbada, siduu rabo haku kasbadee uu xilka madaxweynaha ku guuleysan doono.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...